Maqaal: Waa Kuma Maxamuud Sayid Aadan. W/Q: DR Maxamed Xuseen Dhageey.

sayid

Ugu horeyn Waxaa mahad oo dhan ay u sugnaatay Alle Subxaana Watacaalaa, Marka Xigta Nabi Muxamed Naxariis iyo Nabad Galyo Korkiisa Ha ahaato, Intaas ka dib bal marka hore aan u mahadceliyo Madaxweyne Kuxigeenkii Hore ee Jubbaland Janaraal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, si kal iyo laab ahne aan U soo dhaweeyo Madaxweyne Kuxigeenka la magacaabay udane Maxamuud Sayid Aadan.

Janaraal Fartaag inbadan ayuu Jubbaland u soo qabtay marxalo Adagne waa uu kusoo shaqeeyey, Xiliiyo kala duwane waa uu soo qaatay, iyadoo aan ku tasaala qaadaneyno in waqtiyadu isbadalaan, waxaan un oran karaa badalaadda Janaraal Fartaag waa mid un isbadal ku timid, inkastoo laga yaabo in Axmed Madoobe uu ujeedo kale kalahaa, yeelkadeeda Waxaan Qalinka u qaatay in aan waxyar ka iraahdo aqoonta taariikheed ee aan u leeyahay Madaxweyne Kuxigeenka Cusub ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan.

Mohamud sayid Aden waxuu ku, dhashay magaalada garbaharey. xarunta gobolka gedo 1965 aabihii sayid Aadan dhicis waxuu ahaa caalim mufti ah oo wax bari jiray xer badan oo cilmiga ka raacan jirtay macnaha sayid sideedaba waa hogaamiye diimeed waxaa jirtay inuu xitaa sayid Aden islaamiyay dad badan oo gaala ahaa oo qaarkood nool yihiin.

waxuu waxbarashada hoose dhexe sare kaga baxay magaalada muqdisho isagoo uu bar baarintiisa lahaa adeerkii EX xildhibaan nuur cali xasan Nuur gaab oo dawladii AUN madaxweyne siad barre iyo AUN M/weyne c/rashiid cali sharmarke xilal badan ka, soo qabtay maxamuud waxuu ka, qalin jabiyay machadkii maamulka iyo maaraynta ee SIDAM isagoo aad u yaqaan maadada xisaabta si, wanaagsana ugu hadlo luuqada English.

markii dawladii somalia ay burburaysay waxuu ahaa Agaasimaha shirkada somali fruit ee qudaarta somalia dibada u dhoofin jirtay. marka dawlada dhacday waxuu u wareegay kenya oo uu ka mid ahaa ganacsatada soomaalida ugu jeebka waynayd waqtigaas 1999 waxuu noqday gudoomiyaha ururkii SNF ilaa 2004 oo uu wasiir iyo xildhibaan ka noqday xukuumada allaha u naxariistee Madaxweyne cabdulaahi yuusuf Axmed.

ilaa dawladii sheikh shariif waxuu ahaa wasiir iyo xildhibaan 2012 ilaa waqtigaan waxaa saldhig u ahaa magaalada garbaharey isagoo hogaan u, ahaa ciidankii beesha sade ee gobolka ka, saaray dhalinyarada la, majara habaabiyay.

waxaa ku xigay xilkan shalay loo magacaabay waxaan ku, aqaan deganaan iyo dul, qaad laakiin siyaasada iyo shaxda sida loo dheelo kama yaraysto Ex prime minister cabdi wali sheikh axmed in kastoo ra iisal wasaare cabdi weli ka, mid yahay raga fara ku tiriska ee soomaalida ugu aqoonta badan.

Hunaanadka Faladeyda Dabcan Taariikh Qofeed Qalin iyo labo laguma koobi karo, waxaanse aaminsanahay in aan kamid ahay Dadka Fara kutiriska ah ee Maxamuud Sayid aadan Sida wacan u garanaya, waxaan filayaa in uu kasoo dhalaali doono Masuuliyadda Culus ee la saaray, Sidoo kale uu si dhab ah u matali doono Beelweynta Sade oo uu Saamigooda, mansabkaas ku joogo.

Guul iyo Gobonimo iyo shaqo iyo hufnaan ayaan u Rajeynayaa Madaxweyne Kuxigeenka Cusub ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan.

1 Comment

  1. kkk show mareexaanow fartaag baa baa laqaatay suu mar mar waa qudbayn jiraye kanu soo kan aamusayba hade waa shib
    dawladiina socon diiday tolow ma mareexan baa kabaha uga istaagay

Leave a Reply to awil Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.