FAAHFAAHIN: Dagaal xooggan oo ka dhacay gobalka Hiiraan iyo warar soo baxaya

daagal

Xarakada Alshabaab ayaa weerar ku qaaday deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan halkaasoo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Guddoomiyaha deegaanka Halgan  Guhaad Cabdi Warsame ayaa sheegay  in weerarkaasi uu ahaa mid kooban isla markaana uusan geysan wax khasaare ah.

Weerarka ayaa wararku sheegayaan in dagaalyannada Alshabaab ay la bartilmaameedsadeen fariisimo ay ciidamadaasi huwanta ah ku leeyihiin deegaanka Halgan.

War lagu baahiyay warbaahin ku hadasha afka Xarakada Alshabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ay ka qeyb qaateen boqolaal dagaalyahanno ah isla markaana ay Halgan ka weerareen dhowr jiho.

Waxaana ay sheegeen in dagaalkaasi uu qaatay wax ka badan saacad, inkastoo xaaladda saaka la soo sheegayo inay tahay mid yara deggan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in halkii dagaalka uu ka dhacay ay iminka joogaan ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.