Warar dheeraad ah oo saaka ka soo baxaya dagaalkii Shabeellaha Hoose

Xaalad deganaansho ah ayaa laga soo sheegayaa saaka deegaanno kamid ah gobalka Shabeellaha Hoose oo saacadihii la soo dhaafay lagu dagaallamay.

Deegaannada Sabiib iyo Caanoole ayaa deggan waxaa lagu soo warramayaa in wax dagaal ah uusan iminka halkaa ka jirin.

Warar la helay ayaa sheegaya in ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay dib uga soo laabtaan isla markaana ay gacan ku heynta deegaannadaasi gacanta u gashay Xarakada ALshabaab.

Xarakada Alshabaab ayaa shaacisay in weerarkaasi ay ku lug lahaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Maraykanka. Waxayna sheegtay in duulaanka uu maraykanka ku soo qaaday Sabiib iyo deegaanno kale ay iska difaaceen sida ay warka u dhigtay Xarakada.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda difaaca Maraykanka ayaa warbaahinta Maraykanka u sheegay in ciidamada Uganda ee AMISOM ka tirsan ay weerar kala kulmeen al-Shabaab, xilli ay isku dayayeen inay qaadaan isbaarro.

Sarkaalkan ayaa sheegay in ciidamada Marykanku ay si ay u difaacaan ciidiankaa Uganda ay gantaallo ku garaaceen tuullooyinka al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.