Puntland oo Guddoonka baarlamaanka FS ku eedeysay tuugnimo iyo qiyaano qaran

Maamulka Puntland ayaa war kasoo saaray fara gelin uu sheegay in baarlamaanka dowladda federaalku uu ku sameeyay Hannaanka Doorashooyinka 2016-ka iyo Dastuurta dalka.

Warsaxaafadeedkani ka soo baxay maamulka Puntland ayaa lagu dhaliilay shaqada baarlamaanka Somalia ee ku aadan arrimaha doorashooyinka oo maalmihii dambe xildhibaannada ay fadhiyadooda qaar uga doodayeen.

Puntland ayaa guddoonka sare ee golaha shacabka dowladda federalka ku eedeysay in dalka uu galinayo jahwareer siyaasadeed.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Puntland ay ka digeyso wax ka badalka dastuurka oo isna ay sheegtay inay ku howlan yihiin xubno uu u xil saaray guddoonka baarlamaanka.

1-WAR-SAXAAFADEED-12-May-2016-01

2-WAR-SAXAAFADEED-12-May-20161

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.