Maamulka Hiiraan ”ciddii lacag been abuur ah keentaa Baladweyne waa la ganaaxayaa”

Maamulka gobalka Hiiraan ayaa ganacsatada magaalada Baladweyne ku amray in qiimaha dollarka aysan kor u kac ku sameyn Karin.

Guddoomiyaha gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa sheegay in halkii dollar lagu sarifi karo oo kaliya 23 kun oo shillin Soomaali iyadoo mar uu gaaray 35 kun oo shillin soomaali ah taasoo bulshada si weyn uga dhiidhiyeen.

Halkii dollar ayaa magaalada Baladweyne ka gaaray qiimo dhan 35 kun oo Shillinka Soomaaliga kadib markii ay magaaladaasi la geeyay lacago Shillin Soomaali ah oo aad u fara badan, kuwaasoo lagu sheegay inay yihiin been abuur.

Maamulka Hiiraan ayaa sheegay in ganacsadihii u hoggaansami waayo amarkani laga qaadayo tallaabo waafaqsan sharciga,

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.