Ganacsigii xoolaha ee Laascaanood oo hakad ku jira iyo kor u kaca dollarka

Ganacsatada seyladda xoolaha magaalada Laascaanood ayaa sameeyay shaqo joojin kadib sicirka sarifka oo sare uga kacay qiimihii hore halkaa.

Suuqyada Xoolaha  lagu iibiyo ee Laascaanood ee gobalka Sool ayaa ganacsatadii kahowlgali jirtey  waxay sameyeen shaqo joojin maalintii labaad kadib markii Haweenka danyarta ay shegeen in ganacsatada Bakhaarada leh diideen lacagta 500 boqol  ee shilin Soomaaliga.

Haweenka iyo ganacsatada kale ee ka shaqeysta suuqa Xoolaha Laascaano ayaa ugu baaqay  Culumaa’udiinka iyo shacabka intiisa kale in ay arintaas ka hadlaan isla markaas xal loo raadiyo.

Qaar kamida ganacsatada shaqada joojiyey ayaa Bakhaarleyda Laascaanood ku eedeynayaan in ay u muuqato iney ku shaqeeyaan kaliya lacagta doolarka mareykanka sidaa darteedna aysan doonaynin iibsiga lacagta Shillinka Soomaaliga.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay ganacsatada waa weyn oo arrintani lagu dhaliilayo iyo maamulka magaaladaasi oo ku aadan jahwareerka dhinaca sicirka ee halkaa laga soo sheegayo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.