Doorka haweenka ee shirka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo laga hadlay “SAWIRRO”

Kulan ay duubabka Dhaqanka iyo Haweenka Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay ku yeesheen Jowhar ayay ugu wada hadleen sidii haweenku ay u heli lahaayeen 30% ergada iyo barlamaanka Labada, kaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya oo ay goobjoog ka ahaayeen Mas’uuliyiin ka socotay

Kulanka intii u socday waxa lagu gorfeeyay dardar galinta shirka Maamul u sameynta iyo habka lagu soo xulayo Ergada u codeynaysa dastuurka ay yeelanayaan dowlad goboleedka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe .

Haweenka ayaa duubabka dhaqanka waxa ay ka dalbadeen inay xaqiijiyaan qoondadooda oo ah 30% inay ku yeeshaan Baarlamaanka  iyo xubnaha ergada labada gobol.

Duubabka dhaqanka ee labada gobol waxa ay muujiyeen inay diyaar yihiin qoondada Haweenka, loogana baahan yahay dhankooda inay ka shaqeeyaan sidii Dowlad Goboleedka dhidibada loogu taagi lahaa.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arimaha Gudaha Prof Yaxye Cali Ibraahim ayaa tilmaamy in haweenka ay muhiim u yihiin geedi socodka Siyaasadda dalka, ayna muhiimtahay in ay helaan qoondada ay ku leeyihiin, si loo muujiyo doorka haweenka.

“Waxaa nagu soo fool leh xulidii ergada shirka Mamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Federaalka waxay mas’uul ka tahay habkan , waxa ay rabtaa in haweenku door muuqdo ay ku lahaadaan maamul waliba inta dastuurka ku meel gaarka ah uu ogolyahay oo ah 30%, waxaan ka rajaynayaa duubabka oo leh soo xulida ergooyinka iyo Xildhibaanadaba inay arrintaas fududeeeyaan”ayuu yiri Prof Yaxye Cali Ibraahim Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka.

Maalmaha soo aadan ayaa la filayaa in ay bilawdaan soo xulista ergooyinka Shirka Maamul u sameynta.  loona gudbo wajiyada ugu dambeya ee shirka

shirka jowhar vlcsnap-2016-05-11-15h23m02s119 vlcsnap-2016-05-11-15h23m10s212 vlcsnap-2016-05-11-15h23m32s175 vlcsnap-2016-05-11-15h23m41s32 vlcsnap-2016-05-11-15h23m51s119 vlcsnap-2016-05-11-15h24m04s3 vlcsnap-2016-05-11-15h24m13s90 vlcsnap-2016-05-11-15h24m20s156 vlcsnap-2016-05-11-15h24m26s221 vlcsnap-2016-05-11-15h24m39s92

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.