Maxaa ka cusub maanta magaalada Kismaayo iyo hadal heynta dadweynaha

Hadal haynta ugu badan ee kajirta magaalada Kismaayo ayaa ah dhismaha xukumada cusub ee Jubaland,goorta lagu dhawaaqayo iyo shakhsiyaadka la filayo inay kamid noqdaan golaha wasiirada.

Madaxweynaha Jubaland oo maalmahan xarun kadhigtay aqalka nabadda ee Kismaayo ayaa bilaabay inuu kulamo wada tashi ah la yeesho beelaha Jubaland,wuxuuna maanta la kulmay beel kamid ah beelaha Jubaland.

Madaxweynaha Jubaland ayaa la filayaa in muda isbuuc gudihiis ah ku dhawaaqo golahiisa wasiirada.Tirada golaha wasiirada ayaa la filayaa inay ka badnaadaan kuwii hore iyadoo ay suurtagal tahay in golaha wasiiradu noqdaan 17 ilaa iyo 18 wasiir iyo 2 madaxweyne kuxigeen.

Qaara kamid ah xubnihii hore ee golaha wasiirada ayaa lagu wadaa inay dib usoo laabtaan balse marka la eego hadal haynta jirta isbadal weyn ayaa dhici doona.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.