Wasaaradda Shaqada oo shaacisay diiwaan gelinta shaqaale loo qaadayo Sucuudiga

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday bilaabashada diiwaan gelinta shaqaale Soomaali ah oo loo dirayo dalka Boqortooyada Sucuudiga.

Wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi mudane Cismaan Libaax Ibraahim oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in shirkado Soomaaliyeed lo fasaxay billaabista diyaarintii shaqaalaha loo qaadayo dalka Sucuudiga.

Wuxuu intaasi ku daray in dufcadda ugu horeysa ay noqon doonto tiro dhan Laba kun oo shaqaale ah oo ka kooban caafimaadka, xoogsatada, wadayaal iyo qeybaha kale ee shaqooyinka

Qaadista shaqaalahan ayaa fursad u ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqa la’aantu heyso, islamarkaasna u hanqal taageeysa iney naftooda ku biimeeyaan tahriib ama ka mid noqoshada argagixisada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore uga codsatay Boqortooyada Sucuudiga iney iney bulshada Soomaaliyeed siiso fursado shaqo oo ay ku maareeyaan noloshooda.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.