Dhageyso: Wareysi gaar ah oo uu Gedo Times Siiyay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galgaduud Sare oo uu Arimo Badan kaga hadlay.

Iyadoo Shalay Degamda Caabudwaaq e Gobolka Galgaduud lagu dorotay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galgaduud Sare, ayaa Waxaa Shabakadda Wararka ee gedo Times u suuragashay in ay Wareysi la yeelato madaxweynaha La Dorotay mudane Xasan gacaliye.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka hadlay Qaabka ay u dhacday Doroashada, iyo hadii ay jirto Cid la tartantay iyo inkale.

Mar aan Wax ka weydiinay Waxa uu ka yeelaayo maamulka Galmudug ayu usheegay in Galmudug ay yihiin laba Maamul oo Daris ah Dhinacoodane ay Diyaar u yihiin Daris iyo wanaag kula noolaashiyo.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay Goorta uu soo dhisi Doono Golaha Fulinta ee Maamulkiisa waxa uuna sheegay in dhawaan marka ay Dhamaato tacsida Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle in uu Soo Dhisi Doono Golihiisa Wasiirada.

Wareysiga Madaxweynaha oo Dheer oo ay Gedo Times la yeelatay Hoos ka Dhageyso.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.