Akhriso: Maqaal uu Dr Mohamed Hussein Dhageey uga hadlaayo Aqoonta uu u leeyahay Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle.

Iyadoo Magaalada Muqdisho uu Maalintii Labaad Meyd Bari ku yahay Ugaaskii beesha Sade ee Galgaduud Ugaas Ciise Ugaas Cabdille Ugaas Cali, Kaasi oo Maanta lagu aasi doono Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, ayaan Marka hore jeclaan lahaa in aan Mareegtan Gedo Times Dhambaal tacsiyeed u mariyo Guud ahaan Beesha uu ugaas Ciise Ka abxay ee Sade , gaar ahaane Beesha Sade ee Degta Waqooiga Galgaduud, kasii gaar ahaane waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa, Ree Cali Xaabuun, gaar ahaan Saxiibkeey DR Shaafici Aadan Ugaas.

Tacsi kadib in badan waa lo otacsiyeeyey Ugaaska, waxaase faaladaan inaan Qalinka u qaato igu qasabtay in aan waayay Cid horteey ka adasha Taariikhda Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle, iyadoo aan Faalada Uga hadli doono si koobana qoonta aan u leyahay Ugaas Ciise.

Majirto Taariikh Rasmi ah oo aan hayo kuna sheegi karo Dhalashada Ugaas Ciise, balse waxaa hubanti ah in da’da 80-aad uu kujiray Ugaas Ciise,

Wuxuu ku dhashay Waqooyiga Gobolka Galgaduud Gaar ahaane Degmada Caabudwaaq, isagoo waxbarashadiisa Hoose iyo dhexaba Halkaas kusoo qaatay, waxbarashadiisa Sarane wuxuu uga abxay Muqdisho ilaa heer Jaamacadii Umadda Soomaaliyeed uu ka qalin jabiyay.

Kadibne Ugaas Ciise allaha u Naxariistee wuxuu ka shaqa bilaabay Wakaaladii hargaha iyo saamaha soomaaliyeed oo uu ka noqday Maareeye Guud Ogaateyne uu ka shaqeynayay Ilaaa Kacaankii intuu jiray.

Burburkii Dowladii Dhexe Kadib Ugaas Ciise wuxuu kamid noqday Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee wax laga weydiin jiray Talada Dalka, isagoo shirar aayaha Soomaaliya looga tashanayay Uga Qeybgalay Qaahira, Addis Ababa iyo Carte.

Waxaa Saldanada Ugaasnimada si rasmi ah loogu caleema Saaray Sanadkii 2001-dii Xiliaas oo uu ka geeriyooday Jagada Ugaasnimada Walalkii Ugaas Siraaji Ugaas Cabdulle Ugaas Cali oo uu Wiil Dhalinyaro ah oo Sade ah ku dilay Bartamaha Cabudwaaq, inkastoo dilkaas xal waara laga gaaray, Mag dhawii Salaadiinta laga bixin jirayne la baxshay, waxaana arintaas oo mar in la isku dhamaado ama Qabiilka kukala Irdhoobo lagu sigtay Xalka Magdhawga go’aamiyey Ugaas Cumar Ugaas Xirsi Ugaas Maxamed Ugaaskii hore ee Beesha Sade.

Wixii xiligaas ka dambeeyey ilaa iyo Maanta oo uu Geeriyooday Ugaas Ciise wuxuu u taagnaa Ka shaqeynta iyo isu uurxaaridda Umadda Soomaaliyeed ee Colaadaha aan dhamaadka laheyn ku kala indhoobay, isagoo shirar badan oo dib u heshiisiineedne Ka qeybgalay.

Allaha U naxariistee Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle Ugaas Cali ayaa xanuunsanayay Sanadihii lasoo dhaafay waxaana Saldanada Ugaasnimada Si Wakiilnimo ah Waqooiga Galgaduud uga shaqeynayay Ugaas Axmed barre Cali Taakooy oo uu adeer u yahay Ugaas Ciise.

Taariikhda Ugaaska Qalin iyo labo toon Laguma Koobi karo ee Ilaahay waxaan uga baryayaa Ugaaska in uu Janadii Fardowso aheyd ka waraabiyo, anagune gadaashiis uusan na fidneyn,

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

W/Q : Dr Mohamed Hussein Dhagey

Addis Ababa, Ethiopia 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.