Dhageyso: Taliska saldhigga Booliska Degmada Shibis oo ka warbixiyay howlgallo ka socda degmadaasi

muqdisho

Taliska saldhigga degmada Shibis ee gobalka Banaadir ayaa sheegay inay ku raad joogaan rag burcad ah oo habeenkii dadka ka qaata Mobile-lada iyo agabyada kale oo ay wataan.

Taliyaha degmada Shibis Maxamed Cabdiqaadir Warsame  wuxuu sheegay in maanta degmada Shibis uu ka dhacay shir la qaateen bulshada qeybaheeda kala duwan.

Shirkani oo looga hadlayay ammaanka ayuu sheegay in bulshada iyo taliska booliska ee degmada Shibis ay isku afgarteen in laga wada shaqeeyo nabadgalyada degmadaasi.

Wuxuu sheegay in ay ku raad joogaan rag habeenkii dadka ka qaata mobile-lada isla markaana ku dhaca xaafado kamid ah degmada Shibis, kuwaasoo qeyb kamid ah iminka ay u gudbiyeen xabsiga dhexe

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.