Warbixin ka hadlaysa xaaladda guud ee deegaanka Ceelgaduud ee gobalka Gedo

Magaalada Ceel guduud waxay ku taallaa Bartamaha Gobolka Gedo waxaana dhinaca bari ka xiga magaalada Garbahaareey,  dhinaca koonfurgalbeedna waxaa ka xiga Ceel waaq,  jahada waqooyi waxaa ka xiga  Beledxaawo, halka dhinanka Galbeedna ay ka xigto  Ceel cadde.

Nolosha dadka ku nool magaaladaasi waxey ku tiirsantahay ganacsiga iyo xoolaha iyadoo dadka xoola dhaqatada ah ee ku nool miyiga ku hareereeysan magaaladaasi ay usoo arooraan una iib geeyaan xoolahooda  magaalada Ceel guduud,

Magaaladaasi oo ka tirsan gobolka Gedo waxa ku yaala hal ceel biyood oo ay si wada jir ah u isticmaalaan dadka ku nool magaaladaasi iyo kuwa reer miyiga ah oo u soo aroora xilliga jiilaalka..

Adeegyada bulshada ee magaaladaasi leedahay waxaa ka mid ah Dugsi hoose dhexe, mana laha xarumo caafimaad oo dabooli kara baahida bulshada ku nool magaaladaasi.

Qaar ka mid ah dadka ku nool deegaankaasi waa beeraley kuwaasoo xiliyada roobka tacbada beerahooda iyadoo soo saara dalagyo an sidaa u badneyn oo ay ku maareeyaan noloshooda.

Bulshada ku nool deegaankaasi ayaa ka cabanaya dhibaatooyin xad dhaaf ah oo ay ku hayaan maleeshiyaadka Shabaab ee ku dhuumaaleeysta buuraha kulaala Tuulada Ceelguduud Laga soo Bilaabo ilaa dabayaaqadii 2008-dii.

Ciidamada dowladda oo howlgal ka sameeyay .02/07/2015  buur 3 km u jirta tuuladaasi oo ay saldhig ku leeyihiin Shabaab ayaa ku guuleeystay iney xabsiga ka sii daayaan muwaadiniin Soomaaliyeed oo u xirnaa maleeshiyaadka Shabaab.

Waxaa xusid mudan in maxaabiista ka baxsatay xabsigaasi ay ka mid aheyd  hooyo Soomaaliyeed oo dil ugu xukunayd Shabaab taasoo heysatay Lix  caruur ah, laguna magacaabo  Deeqo Maxamuud.

Si kastaba ha ahaatee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool deegaankaasi ayaa qaati ka taagan dhibaatooyin isugu jira dil, handadaad iyo dhac ay xoolahooda u geeysanayaan kooxda Shabaab.

Ceelgaduud Gedo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.