XOG: Beesha Sade iyo Dowladda Itoobiya oo uu usbuuca soo socda Shir uga furman doono Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Degmada Doolow ee Waqooyiga Gobolka GEdo waxaa lagu wadaa in uu Shir ka furmo kahor 20ka bishan May, shirkaas oo u dhaxeyn doonaa Dowladda Itoobiya, Iyo Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqan oo Beesha Sade kasoo jeeda.

Kulanka oo uu isku soo duba riday Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland janaraal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil fartaag ayaa waxaa codsatay Xukuumadda Addis Ababa, iyadoo ka dalbatay madaxweyne Kuxigeen Fartaag in uu la kulansiiyo Beesha Sade oo ay Wada shaqeyn dhaw shegtay in ay la yeelaneyso.

Kulanka waxaa lagu wadaa in ay dhinaca Beesha uga Qeybgalaan Siyaasiyiin, Xildhibaano, Raisal Wasaarayaal Hore, Ugaaska Guud ee Beesha, nabaoonada Jifooyinka Beesha Sade iyo marti sharaf kale.

Durba waxaa doolow laga dareemayaa u diyaar garowga Shirkani Heerkiisu sareeyo e halkaasi dhawaan ka furmaya, iyadoo Cabdirashiid Indhakoreey oo isku dayay in uu shirka Qabanqaabadiisa Marin habaabiyane ay Itoobiya kuw argalisay in uu Arimaha uu Faraha kula jiro ka joogsado.

Usbuucaan gudihiisa ayaa wufuudani waxay gaari doonaan Degmada Doolow, waana talaabo kale o oSiyaasadeed oo horay loo qaaday, taasi oo ah in ay Is fahmaan Beesha Sade iyo Dowladda Itoobiya, Dhamaadkii Bishii Tagtay ayey aheyd markii Kulan sidan oo kale dhexmaray beesha Sade iyo Dowladda Kenya Nairobi lagu soo xiray kaasi oo laga gaaray isfaham Buuxa oo dhinacyada Dhexmaray.

Wixii kusoo kordha arimaha shirkani kala soco Gedo Times.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.