Dhageyso: Galmudug oo digniin u jeedisay gaadiidka aan sharciga haysan

Wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka ee maamulka Galmudug ayaa soo saartay digniin ku wajahan gaadiidleyda aan sharciyeysnayn ee magaalada Gaalkacyo.

Wasaaraddu waxay sheegtay in aan magaalada Gaalkacyo lagu dhex arki Karin baabuur aan ka sharciyeysnayn wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in aan la ogalaan doonin baabuurta miyaaradaha madow, goor dhowna la billaabayo howlgal guud oo lagu soo qabqabanayo baabuurtaasi iyo dadka wata.

Nuur Maxamed Xuseen oo ah isu duwaha wasaaraddaasi ee gobalka Mudug ayaa hadalkani ka sheegay magaalada Gaalkacyo.

Halkan ka dhagayso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.