Ciidanka Dowadda oo la sheegay in ay qeyb ka yihiin Amni darada Baledweyne

Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Cali Dhuux Cali Mahad alla oo warbaahinta kula hadlay Magaalada ayaa sheegay in Falalka Amni daro ee ka dhaca Magaalada ay qeyb ka yihiin Ciidamada Qalabka sida ee Beledweyne ku sugan.

Taliyaha ayaa Amray in Gudaha Magaalada aan lagu dhex qaadan karin Hub islamarkaana dadka Hubkaasi wata ay yihiin oo kaliya Ciidanka Shaqada ku jira oo wada Dariis Ciidan oo lagu Aqoonsan karo.

Guddiga Amniga Gobolka Hiiraan ayuu sheegay Cali Dhuux Cali Mahad Alla inuu ka fariisan doono Amniga Gobolka oo uu War ka soo saari doono.

Dhawaan Magaalada Waxaa lagu dilay Macalin Dugsi,iyadoo la sheegay in Rag xiran Dariiska Ciidamada ay Dileen,waxaana Ururada Bulshada Baledweyne ay si weyn u Cambaareyeen Beegsiga lagu hayo Dadka Bulshada Muhiimka u ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.