Dhageyso: MD Guuleed ”Waan ka heshiinay dagaalkii Dacdheer Soomaalida Itoobiya”

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa sheegay in dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya uu kala soo hadlay sidii loo xalin lahaa dagaallo dhowaan ka dhacay deegaanka Dacdheer.

Hoggaamiye Cabdikariin Xuseen Guuleed oo dib ugu laabtay Cadaado ayaa sheegay in wada hadallada uu la soo yeeshay madaxda dowlad deegaanka oo ay qeyb ka ahaayeen xukuumadda federaalka wasiir ka tirsan iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland inay ku soo dhammaadeen is afgarad iyo guul.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Galmudug in laga wada hadlay sida loo xalin lahaa colaadda ka taagan xuduudda uu gobalka Galgaduud la wadaago Itoobiya halkaasoo ay ka dhaceen dagaallo  u dhaxeeyay ciidanka Liyuu Boolis iyo dad xoolo dhaqato ah

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.