Degdeg: Kooxda Atletico Madrid oo u soo Gudubtay Wareega Finalka ee Koobka Champion League-ga

Xulka Qaranka ee ka dhisan Dalka Spain ee Atletico Madrid ayaa goordhaweyd guul ka gaaray Ciyaar Semi Final aheyd oo ay la dhelayeen Kooxda Jarmalka ee Payer Munich.

Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1 ay ku badisay Kooxda Payer Munich Balse, horay gool loogu lahaa Payer oo wareegii hore ee Ciyaarta Guriga Atletico Madrid looga dhaliyay ayaa ka reebay in ay u soo gudubto Wareega kama dambeysta ah ee Champion League-ga.

Waxaa laga wardhowrayaa habeen dambe ciyaar ka dhici doonta Guriga Real Madrid taas oo dhexmari Doonta Kooxaha Manchester City iyo Real Madrid oo Warreegii Hore ee CIyaartaas lagu dheelay Garoonka kooxda Man City halkaas oo barbaro 0:0 ah ay ciyaartaasi ku dhamaatay.

Labada kooxoood ee CIty iyo Real kii soo baxa ayaa Atletico ka hor tagi doona 28 bishan May, inkastoo aan la ogeyn kooxda guuleysan karta hadane Intabadan Real ayaa aad loo saadaalinayaa in ay usoo gudbi karto wareega Final ee Koobka Champion League-ga ee Qaaradda Yurub.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.