Daawo:Beesha Reer Xasan ee dagta Jubbaland Gaar ahaan Gobolka Gedo oo kashirey sidii ay uga qaybqadan lahayd

Waxaa magaalo madaxda Soomaliya muqdishu shir wayn ku qabsadey beel kamida beelaha daga Jubbalnd Gaar ahaan gobolka  Gedo. Beesha Reer Xasan ayaa shirkoodu wuxuu kusaabsanaa siday uga qayb qadan lahayd dhismaha Jubbaland iyo sidii ay uga qayb uaga heli lahayd doorashada soomaliya ka dhacaysa, qodobadii shirka kasoo baxayna waxaa kamida oo aqriyey Xildhibaan Shire Coleey.
1 Beeshu waxay si buuxda utaageertey shirkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay kismaayo wayna soo dhaweysey.
2 Beeshu waxay isku raacday in laga qayb qaato amaanka dalka iyo dibu xoreynta dalkoo dhan.
3 Beeshu waa inay heshaa saamigii ay ku lahayd dhismaha dawlada lasoo dhisaayo ee Jubbaland.
4 Beeshu waxay kaluu isku raacday in lasamee gudi wada Jira oo kashaqeeya dhamaan qodabada aan soo sheegnay isku duba rida.
5 Beeshu waxay isku raacday in lamidoobo wanaaga laga shaqeeyo dadka dariskana daris wanaag laga shaqeeyo iyo is dhexgal.
6 Beeshu waxay isku racday si wadajira iyo taageerida hiil iyo hooba leh si dhaba utaageerto maamulka Jubaland axmed madoobe Hogaamiyo.

Hoos kadaawo

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.