Daawo Sawirada: Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Caalamka oo Lagu Xusay Magaalada Kismaayo.

Iyadoo maanta Guud ahaan Caalamka laga xusaayo maalinta Xoriyadda Saxaafadda ee Caalamka ayaa goobaha laga xusay Waxaa kamid ah Magaalada Kismaayo.

Kulan lagu xusayay Maalintana oo Kismaayo ka dhacay waxaa kasoo qeybgalay madaxweyne Kxuigeenka Labaad ee Maamulka Jubbaland Cabdulqaadir lugadheere, iyo Wasiir kuxigeenka Warfaafinta ee Maamulkaasi Geele Maxamed Aadan.

Warfidiyeenada ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa dhinacooda ka qeybgalay Kulankani,kuwaas oo Munaasabaddani soo Agaasimay.

Waxaa Halkaas lagu dhageystay Warbixin ay Qaramada Midoobay kasoo saartay, Xoriyadda Saxaafadda oo Soomaaliya lagu tilmaamay meesha ugu daran ee Saxaafadda Lagu dhibaateeyo.

Hoos Ka Daawo Sawirada Munaasabadda Ksimaayo ka dhacday ee lagu xusay Maalinta Saxaafadda Caalamka.

kis

kis1

kis2

kis3

kis4

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.