Dr.Maxamed Nuur Sh.Axmed oo Abu dabai kula kulmay Sheek Shariif Sh.Axmed(Daawo Sawirro)

Dr.Maxamed Nuur Sh Axmed oo ah Musharax u taagan Xildhibaanimada Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa dhowaan waxaa uu dalka Imaaradka Carabta uu kula kulmay Sheekh Shariif Sh.Axmed oo ahaa Madaxweynahii hore ee DKMG ee soomaaliya,iyagoona ka wada Hadley arimo ku saabsan u diyaar garowga isbedelka Siyaasadeed ee 2016.
Labada mas,uul ayaa kulankooda waxay sidoo kale ku soo qaadeen marxalada uu dalka marayo iyo baahida loo qabo in dalka uu ka dhaco isbedel siyaasadeed,iyagoo dhinaca kalena ka wada hadley xaaladaha amaan ee dalka iyo sidii mustaqbalka dambe dalka ay ugu dhici lahaayeen dooroshooyin xor ah.
Dr.Maxamed Nuur Sh.Axmed oo iminka socdal shaqo ku maraya dalalka Imaaradka Carabta,Sucuudiga iyo talyaaniga oo la hadlayey warbaahinta ayaa rajo wanaagsan waxaa uu ka muujiyey kulamadii kale gedisnaa ee uu la qaatey Soomaalida degan dalalkaasi.

Halkaan ka Daawo 

20160428_220052 (1)IMG-20160428-WA0003

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.