Dhageyso: Roobabkii Gedo ka Curtay ,Oo Isu socodka Degmooyinka Saameyn ku Yeesheen.

Maalmihii lasoo dhaafay Deegaano badan oo katirsan Gobolka Gedo waxaa ka da’ayey Roobka Xiliga Guga, oo si rasmi ah iminka Gobolka Uga curtay.

Intabadan Roobabka ayaa ka curtay Waqooyiga Gobolka Gedo sida uu soo warinaayo Wariyaha Gobolka Gedo ee Shabakadda Gedo Times Shariif Axmed Taajir.

KOonfurta Gobolka iyo bartamaha Gobolka Roobab Sidaasi u xoog weyn kama jiraan sida uu soo sheegaayo shariif Balse Deegaano hoostaga Degmada Baardheere ayuu wariyuhu soo warinayaa in roobab ka da’een 24kii saac ee lasoo dhaafay.

Dhianca kale Degmada Luuq Ganaane ayuu qof geeriyooday kadib markii Maanso ka dhalatay Roobka ay dishay wiilyar oo 5 jir ah sida masuuliyiin ku sugan Degmada Luuq ay u xaqiijiyeen Gedo Times.

Hoos ka dhageyso wareysi uu wariye Shariif Axmed Taajir ku Faafaahinaayo Roobabka Guga ee Gedo ka curtay iyo saameynta ay reebeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.