XOG: Gudoomiyaha Degmada Baledxaawo oo lagu eedeeyey Waajibaad shaqo Gudasho la’aaneed. “akhriso”

Degmada Baledxaawo wali waxaa ka taagan Xiisado siyaasadeed oo laga yaabo in gacan ka hadal ay isu abdalaan, waxaana iminka eedaha ugu badan loo jeedinayaa Gudoomiyaha Degmadaasi Korneyl Yusuuf Maxamed Cabdi Qaadir Kaanti.

Masuul ka gaabsaday in Magiciisa la xigto ayaa gudoomiyaha ku eedeeyey in uu ku shaqeynaayo laba bogleyn oo uu ula jeedo in uu wada shaqeyn lawada leeyahay Mamaulka Gobolka ee Magaalada Dibad jooga ka ah iyo Cabdirahsiid indhakoreey oo isagune inimka Baledxaawo ka ariminaa.

Masuulkani ayaa sheegay in Gudoomiyaha ilaa iyo hadd amowqifkiisa uusan cadeyn, isagoo ku eedeeyey soo dhaweynta nin dambi ka galay shacabweynaha Gedo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Kornyel Kaanti ayaa horay wada shaqeyn fiican ay kala dhaxeysay Maamulka Gobolka iyo xildhibaan Maaan oo wayadaan Demadaasi ku sugnaa waxaase shakiga dad badan ay qabaan u usoo shaac baxay markii maamulka Gobolka iyo ciidamadi iamaanka ee Degmada ay magaalada Dibadda uga abxeen, xilli uu Gudoomiyaha wali Degmada ku suganyahay.

Yusuuf Kaanti ayaa dhiniciisa ku dooday in Masuuliyadda degmada ay isaga saarantahay uuna muhiim u arko in waxkastaa ay wada hadal iyo is afgarad k udhamaadaan arintaasine ay tahay midda uu iminka ka shaqeynaayo.

1 Comment

  1. Stop creating false tension without knowledge. People are aware of the situation in the city. There is no tension right now. Yusuf kaanti is in charge and Jana is a big brother with power if you don’t want face him don’t ask me to face him. He is not enemy he is a fellow brother.

Leave a Reply to Bahdoon Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.