XOG: Maxaa Kasoo baxay Kulamadii uu Cabdirashiid Indhakoreey ka waday Degmada Baledxaawo ee Gobolka Gedo.

Wali Degmada Baledxaawo waxaa kulamo laleh Odayaasha dhaqanka ee Degamdaasi Cabdirashiid Indhakoreey oo maalmo kahor soo gaaray Degmadaasi baledxaawo.

Cabdirashiid Inndhakoreey iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa ka wada hadlay sidii nabad galyada Deegaanka looga shaqeyn lahaa, inkastoo odayaasha qaarkood oo Gedo Times la hadlay ay sheegeen in qorshaha Indhakoreey u uintaasi kasii xagjiro.

Odayaasha ayuu u sheegay in uu doonaayo in wada hadal uu la furo masuuliyiinta Maamulka gobolka Gedo iyo Xildhibaan Mataan oo ay xurguf siyaasadeed kala dhaxeyso.

Indhakoreey ayaa odayaasha u sheegay in isaga iyo janaraal Fartaag Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Jubaland uu Dagaal Siyaasadeed ka dhaxeeyo masuuliyiintanine ay taageereen fartaag, taasne ay keentay Khilaafka imika ka dhex taagan isaga iyo Maamulka Gobolka Gedo.

Odayaasha ayaa u sheegay hadii isaga iyo Fartaag uu dagaal ka dhaxeeyo in Kismaayo io fagaarayaasha Siyaasadda ay isla tagaan lakiin uu ku qaldanyahay in qalqal amaan uu Baledxaawo ka Abuuro.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.