Dhageyso: Dagaallo ka dhacay degmada Xudur ee gobalka Bakool

dagal

Maamulka degmada Xudur ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay oo ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen deegaanno duleedka ka xiga degmadaasi.

Aadan Cabdi Maxamed oo ah madaxa ammaanka magaalada Xudur ayaa sheegay in ciidamada huwanta ah ay gaareen deegaanno dhowr ah oo ku yaalla duleedka magaaladaasi.

Wuxuu sheegay inay maamul u sameeyeen meelihii ay tageen isla markaana ay soconayaan howlgallo lagu soo qabqabtay dad looga shakisan yahay inay ka qeyb yihiin falalka ammaan darro.

Howlgalladani ayuu sheegay inay iska kaashanayaan ciidanka dowladda, kuwa maamulka koonfur Galbeed iyo AMISOM waxaana ay ka soconayaan deegaanno ku yaalla gobalka Bakool.

Halkan ka dhagayso;

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.