Warbixin cajiib ah: Wasiir Hadliye: “Waxaan doonayaa inay yeeshaan musqulaha qubeyska oo nadiif ah iyo inay dadka ka jawaabaan E-mailadooda”.

Wargeyska The Washington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka waxa uu maanta (April 26) maqaal dheer ka qoray Nolol-siyaasadeedka iyo Waayaha shaqo ee uu haatan hayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga Caalamiga ee Dowladda Federalka Somalia, C/salaam Hadliye Cumar.

Wargeyska waxa uu Maqaalkiisa cinwaan kaga dhigay:- “Waxa uu mar isku dayey inuu xaliyo Dugsiyadda guuldaraystay ee DC. Wuxuuna haatan ku hawlan yahay inuu xaliyo Somalia”.

Wasiir C/salaam Hadliye Cumar waxa uu 15 sanno ka hor u shaqeynayey Duqa magaalladda Washington, isagoo isku hawli jirey dembiyadda Derisyadda iyo Nidaamka Dugsiyadda ee guuldaraysta.

Haatan, waxa uu Wasiir Hadliye waxa uu isku tijaabinayaan inuu xaliyo dal fashilmay.

C/salaam Hadliye, oo horey loogu yaqaanay Dr. O waxa uu haatan yeeshay cinwaan cusub oo ah Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia.

Subax kasta waxa uu koraa gaari SUV oo aysan xabbaduhu ka dusi Karin (a bulletproof SUV) si loogu kaxeeyo Xafiiskiisa, isagoo ay ku hareeraysan yihiin rag hubeysan oo xiran labis cagaaran (green uniforms).

Waxa uu ku nool yahay dhabarka dambe ee Dhagxaanta dhufeyska ee yaalla magaalladda, iyadoo  Isbahaysiga Alqaacida si caaadi ah u beegsadaan Saraakiisha Dowladda.

Dhowr ka mid ah Saaxiibadiisa ayaa la dilay.

Waxa uu doonayaa inuu isku wado Danaha Diplomaasiyadda, Turkiga doonaya Dekedda, Kenyanka doonaya inay Xayndaab ka dhisaan Xuduudka iyo Maraykanka oo doonaya Hawlgalladda La-dagaalanka Argagixisadda.

Weli Dowladda Wasiir Hadliye ka tirsan yahay weli waa curdan.

Mar u uSarkaal sare oo ka tirsan QM weydiiyey C/salaam Hadliye waxa uu yahay hadafkiisa  Wsaiirnimo ee xilliga gaaban, wuxuuna ku jawaabay: “Waxaan doonayaa inay yeeshaan musqulaha qubayska oo nadiif ah iyo inay dadka ka jawaabaan E-mailadooda”.

Haatan,  Guriga Wasiir Hadliye waxa mid casri ah, waa Hotel si adag loo ilaaliyo, waxa uu la wadaagaa booqashadda ay ugu yimaadaan Shaqaalaha Samafalka iyo Suxufiyiinta.

Waxa uu noqon lahaa Bartilmaameed, haddii uu deganaan lahaa meel ka mid ah dhismayaasha kale ee laga deggan yahay Muqdisho.

Waxay kaloo khatar ku tahay Xaaskiisa, Labadii Gabdhood ee Qaan-gaarka iyo Wiilkiisa inay ku noolaadaan magaalladda , oo waxa uu arkaa iyagoo dibedda u sii safrayo.

“Waxaan isticmaali jirey inaan iraahdo Washington DC waxay u eg tahay dal Dunida 3-aad ku yaalla, laakiin, markaan halkan ku soo laabtay, waxaan xaqiiqsaday waxa uu xaqiiq ahaan yahay dalka Dunida 3-aad” ayuu yiri Wasiir Hadliye oo Maraykanka Qaxooti ahaan ku tegay isagoo 16 jir ahaa.

Wargeyska The Washington Post waxa uu Maqaalka dheer ee uu ka diyaariyey Wasiir C/salaam Hadliye oo horey loogu yaqaanay Dr. O ku soo gunaanaday inuu haatan u shaqeeyo Dowlad aan haynin Liiska Ciiddankeeda oo la sheego inay dhan yihiin 22,000 Askari, inkastoo qaar kale yiraahdaan inay Ciiddankaasi ka yar yihiin 10,000 Askari.

“Marka aan Aadanaha si fiican loo maamulin, waxay u dhaqmaan sida Xoolihii oo kale” ayuu yiri C/salaam Hadliye oo intaasi ku daray Farqiga u dhexeeya Washington DC iyo Somalia, waxa keliya oo su’aal ah Xajmiga ay kala leeyihiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.