Warbixin cusub: AMISOM oo ka cabanaysa mushaar la’aan

amsom

Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Yuganda ayaa sheegay in muda dhan 7 bilood aysan qaadanin mushaar.Arintan waxaa shaaciyay taliyaha guud ee ciidanka Uganda Edward Katumba Wamala xili uu dalka Yuganda ku soo dhaweeynayay askar kor udhaafaysa 1800 oo askari oo ka laabtay Somalia.

Taliyuhu waxa uu xusay in arintan mooraal jab ku tahay ciidanka taas oo wax udhimaysa sugida amniga shacabka Soomaaliyeed. Arrintani ayaa saameyn ku yeelan  karta howlgallada ay ciidankaasi AMISOM ka wadaan Koonfurta iyo bartamaha dalka.

Askariga Uganda ee AMISOM ayaa mushaar ahaan uqaata 1028 doolar oo dhigata 3.3 malyam lacagta dalka Uganda.

Sawirka:New vision

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.