Fanaan heer caalami ah oo dhintay isagoo masraxa taagan

Hoggaamiye koox xagga fanka ah ee dalka Congo, Papa Wemba, ayaa geeriyooday kaddib markii uu dhulka ku dhacay isagoo ka heesayay dalka Ivory Coast.

Afhayeen hadlay fannaanka waxaa uu sheegay inuu ku dhintay isbitaal ku yaal magaalada Abidjan.

Waxaa uu ahaa 66 jir. Papa Wemba waxaa uu qaabeeyay muusigga dalka Congo sannadihii 70-meeyadii iyo 80-meeyadii, isagoo ka dhigay codka Afrika ugu caansan.

Sababta uu u geeriyooday weli daboolka lagama qaadin hase ahaatee hore ayuu u xanuunsaday inkastoo dakhtarkiisu uu dhowaan sheegay in caafimaadkiisu uu wanaagsan yahay.

fanaanka reer congo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.