DAAWO SAWIRRO:- Beesha Sade iyo Dawladda Kenya oo uu Kulan Xasaasi ah uga socdo magaalada Nairobi

Kulan aad xasaasi u ah ayaa maanta magaalada Nairobi uga furmay Beesha Sade iyo masuuliyiin Sar-sare oo ka tirsan Dawladda Kenya, kaasoo looga hadlayo arimmo aad u badan oo uu ugu weyn yahay Amniga.
Kulankaan oo ah mid aad mihiim u ah ayaa waxaa Dhinaca Beesha Sade oga qayb galey ergooyin gaaraya illaa 70 qof, kuwaasoo isagu jira Siyaasiyiin, Xildhibaanno, Wasiirro, Aqoonyahanno, Ugaasyo, Nabaddoonno, Indheer-garad, Ganacsato, Iwm.
Waxaa kulankaan Goob-jooge ka ahaa Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Xaashi Ugaas Xirsi iyo Siyaasiyiin kale oo ay kamid ahaayeen Ra’isul-wasaarayaashii hore ee Dr. Saacid Faarax Shirdon iyo Dr. Cabdi-weli Sheekh Axmed iyo Xildhibaan Maxamuud Cali Magan.
Dhinaca Dawladda Kenya ayaa waxaa kulankaan oga qayb galay Wasiirrka Arimaha Gudaha ee Kenya General Joseph Ole Nkaissery iyo Saraakiil Sar-sare oo ka tirsan Ciidamada Dawladda Kenya.
Waxaa ugu horeyntiiba halkaas ka hadlay oo kulankaan furay Wasiirka Arimaha Gudaha ee Kenya Mr. Joseph Ole Nkaissery, kaasoo halkaas kasoo jeediyey Warbixin aad u dheer oo ku saabsan ujeedada ay Dawladda Kenya kulanka ula qaadatey Beesha Sade.
Waxaa wasiirka Arimaha Gudaha ee Kenya uu hadalkiisi ku bilaabay oo Beesha Sade u sheegay in Dawladda Kenya ay doonayso in Beesha Sade ay iska kaashadaan Dhinacyada Amniga, Hurumarka, Dhaqaalaha, wadajirka iyo Arimaha Bulshada, si Jaaliyadda ku dhaqan labada dhinac ay nabad ugu wada noolaadaan.
Ma’ahayn wax qoraal lagu wada xusi karo Hadal-dheer oo Wasiirka Arimaha Gudaha ee Kenya uu kulankaan ka jeediyey, hase yeeshee wuxuu ugu dambayn u mahadceliyey Ergooyinkii Beesha Sade ee kulankaan u huray waqtigooda qaaliga ah, kuwaasoo uu ugu weyn yahay Ugaaska Beesha Sade, Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi waxaana uu xusay in uu aad ugu rajo-weyn yahay in kulankaan ay kasoo baxi doonaan wax lagu wada naaloodo oo ay hadhow taageeri karaan.
Ugu dambeyntii Warbaahinta Gedo Times oo xiriir la sameysay Eng. Maxamed Cumar Cilmi (Dhega-weyne) oo kamid ah Ergadii Beesha Sade Uga qayb galay kulankaan ayuu u sheegay in kulankaan uu ku bilowday Jawi aad u wanaagsan, laguna rajo weyn yahay inuu soo gaba-gaboobo maalinta Talaadada ah ee ku beegan 26. 4. 2016.
Waxaa Eng. Dhegaweyne uu sidoo kale sheegay in Dawladda Kenya ay u gudbin doonaan Dukumiintiyo la xiriira waxyaabaha ay Beesha Sade Dawladda Kenya ka tabaneyso, kuwaasoo si cad loo hor dhigi doono.
LA SOCO WIXII KASOO KORDHA KULANKAAN
Daahir. F. Afdheere
Email. Owsame1@yahoo.com

nbi

nbi1

nbi2

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.