Daawo Muuqaal: Shirkii Beesha Sade iyo Dowladda Kenya oo Si Rasmi ah u furmay.

Magaalada Nairobi waxaa si rasmi ah uga furmay Shir ay wada leeyihiin Beesha Sade iyo Dowladda Kenya, kaasi oo maalintii labaad halkaasi ka soconaya.

Dhinaca Beesha waxaa kulanka Madal Joog ka ah Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi, Raisal Wasaarayaal Hore Cabdiwali Sheekh Axmed iyo Cabdi faarax Shirdoon, Xildhibaan Magan Xildhibaan Deerow iyo masuuliyiin kale.

Dhinaca Dowladda Kenyane waxaa kulanka uga qeybgalaya Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga ee Kenya Dr Joseph Nkaiserry iyo Masuuliyiin Kale.

Arimaha kulankani looga hadlayo ayaa waxa akamid ah Amniga Xuduuda Gedo iyo Kenya, Dhinaca Siyaasadda oo Beesha Sade ay kenya waxbadan ka tirsaneyso, iyo iskaashi dhinaca ganacsiga ah oo labada dal dhexmara.

Ilaa barii ayuu kulanka si isocon doonaa waxaana la filayaa gabagabadiisa in Warmurtiyeed laga soo saaro.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka Furitaanka Shirkani.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.