Daawo: Taliyaha Booliiska ee Gobolka Jubada Hoose oo warbixiyay Shaqada Amni ee ay Hayaan.

Iyadoo dhawaan un ay aheyd markii Taliyaha Cusuub ee Ciidamada Booliiska Gobolka Jubada Hoose loo magacaabay Gaashaanle Sare Xasan Shire Qeyre, ayaa amrkii ugu horeysay wuxuu la ahdlay Warbaahinta.

Taliyahani ayaa ka waramay halka ay marayaan hawlaha Sugidda amniga ee Ciidamada Booliiska, isago osheegay in tan iyo markii uu xilkan la waregay uu arimo badan oo amniga la xirira ay ciidamada wax ka qabteen.

Taliye Kheyre ayaa dhinaca kale Hoosta ka xariiqay in tababaro ay ciidamada Booliiska u aadaan Dalka Jabuuti, tiro badane ay kasoo laabteen halka tiro kalane ay hadda ku maqanyihiin.

Wuxuuse sheegay in caqabada koowaad ee haysata Ciidamada ay tahay ishaysashada dhinaca dhulalka oo uu sheegay in ay tahay mushkiladda ugu badan ee xiligan ka taagan Gobolka Jubada Hoose.

Hoos Ka Daawo Shirka Ja’raaid ee Taliyaha Booliiska Gobolka Jubada Hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.