Daawo:Maxamed Nuur Sh.Axmed oo Shaaciyey inuu yahay Musharax u taagan Xildhibaanimada Baarlalamaanka Federaal Soomaaliya(Daawo Sawwiro)

Waxaa Magaaladda Baardheere ee Gobolka Gedo Maanta Xaflad qado sharaf  ah ku sameeyey Maxamed Nuur Sh.Axmed Maxamed, taasi oo uu kaga dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xubinnimada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya. .

Xafladani oo si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa ka qeyb galey Odoyaasha dhaqanka,Aqoonyahanada,Haweenka iyo Qaar  ka mid ah waxgaradka Magaaladda Baardheere,kuwaasi oo dhamaantood kalsooni u muujiyey Musharaxnimada Maxamed Nuur Sh.Axmed.

Nabadoonadii iyo Waxgaradkii Beesha ee taageerada iyo Kalsoonida u muujiyey Musharaxa Xildibaanka Cusub ayaa waxaa ka mid ahaa Nabadoon Faarax Hire Guhaad,Nabadoon Maxamed Gaaciye Shide,Nabadoon Xuseen Cali Biixi,Nabadoon Cali Ganey,Nabadoon Maxamuud Faarax xirsi Good,Farey Jaamac Jaad,Ibraain Faarax Afdheere,Diiriye Aw-Xaashi iyo xubno kale ,kuwaasi oo dhamaantood si buuxda u cadeeyey taageerada ay u hayaan Musharaxnimada Maxamed Nuur Sh.Axmed.

Musharaxa Xildhibaanimo Maxamed Nuur Sh.Axmed oo Qadka Telefonka ugu qeyb qaatey Xaflada  ayaa waxaa uu balan qaaday in hadii loo doorto Xubintaas uu ka shaqaynayo hormarinta bulshada reer Baardheere  ee uu matalayo, waxaana uu soojeediyey khudbad uu ajandihiisa uga hadalyey oo wakhti qaadatay.

Waxaa uu balanqaaday in uu ku shaqayndoono rabitaanka bulshada kana warhayndoono baahida Bulsha uu matalayo,isagoo iminka ku sugan Magaalada London ayuu sheegay dhowaana in Isbitaalka Baardheere uu soo gaarsiin doono Deeq Daawo ah oo uu ka soo uruuriyey Jaaliyada Soomaalida ee ka soo jeeda Gobolka Gedo.

Xaga Taariikh nololeedkiisa,maxamed waxaa uu ku dhashey Baardheere sanadkii 1969kii,waxbarashadiisaH/Dhexe iyo Sare waxaa uu ku dhameystey Baardheere intii u dhaxeysay 1976 ilaa 1986,waxuuna 1988 ilaa 1990,waxuu ka mid ahaa Ardeydii Jaamacadii Umadda Soomaaliyeed,burburkii dowladiii dhexe ee Soomaaliya waxaa uu deganaa dalka Kanada,waxaana 2008 jaamacad ku taala dalka Ingiriiska uu ka qaatey Shahaado,isagoo barteyna xariirka Caalamiga .

Musharax xildhibaanimadda Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa uu noqonayaa kii ugu horeeyey ee ka soo jeedo Gobolka Gedo ku dhawaaqo in uu xilkaas doonayo bulshada uu cod uga baahan yahay.

Halkaan Ka Daawo Sawirada

DSC09587 DSC09585 DSC09584 DSC09579 DSC09578 DSC09577 DSC09576 DSC09575 DSC09574 DSC09573 DSC09569 DSC09568 DSC09567 DSC09564 DSC09563 DSC09562 DSC09561 DSC09557 DSC09554 DSC09550 DSC09549 DSC09548 DSC09544 DSC09538 DSC09537 DSC09535 DSC09534 DSC09533 DSC09521 DSC09520 DSC09518

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.