TOP News: ku Dhawaad 100 ruux oo Cudur aan la aqoon ugu Geeriyooday Gobolka J/Dhexe.

Wararka ka imaanaya Jubada Dhexe ayaa sheegaya in illaa 100-ruux dad gaaraya ay u geeriyoodeen cuduro aan la aqoon, balse leh astaamo ay ka mid yihiin shuban iyo matag.

Madaxa Kormeerka iyo qiimeynta Hey’adda Maareynta musiibooyinka oo lagu magacaabo Maxamuud Xasan ayaa sheegay in deegaanada ay ka jiraan cudurka ka mid yihiin BU’aale, Salagle, Saakow iyo tuulooyinka ku dhow.

Waxaa uu sheegay in cudurkan ay u dhinteen illaa 100 ruux u dhinteen, isagoo ku baaqay in laga qeyb qaato gurmadka deegaanada laga soo sheegay cuduradan.

“Cudurkan waxa uu leeyahay laba astaamood oo kala ah, shuban iyo matag, todobaadkii la soo dhaafay waxaa naloo soo sheegay in 100-qof ay u dhinteen, 20-kii saac ee aan soo dhaafnayna waxaa u geeriyooday cudurkaas 45-qof” ayuu yiri Xasan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in deegaanka Saakow ay ka jirto dhibaatada ugu badan, isla markaana saacadihii la soo dhaafay ay dad badan ugu dhinteen.

Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay Hey’addaha caafimaadka inay u gurmadaan deegaankaas, isla markaana la ogaado waxa uu cudurkan yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.