Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo la kulmay safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka, mudane Maxamed Cumar Carte, oo ay wehliyaan wasiirada gaashaandhigga iyo maaliyadda iyo taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa ay kulan kula yeesheen safiirka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta ayaa ka wadahadlay sidii dowladda Mareykanka ay u sii wadi la heyd taageerada ay siiso Soomaaliya gaar ahaan dhismaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo xubnaha kale oo ka socday isla markaana ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa isla maanta waxaa ay magaalada Muqdisho  kulan kula yeesheen saraakiil ka tirsan midowga Yurub oo u qaabilsan horumarinta mashaariicda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.