XOG: Janaraal gabre iyo Saraakiil Itoobiyaan ah oo Maanta Kismaayo Gaaray, Runtane u sheegay Axmed Madoobe. “akhriso”

Maanta waxaa Magaalada Kismaayo Gaaray Xubno u kamid yahay janaraal Gabre u qeybsanaha Arimaha Soomaaliya ee Dowladda Itoobiya, kaasi oo booqasho aan horay loosii shaacin ku tagay Magaalada Kismaayo.

Gabre iyo xubno lasocday oo uu kamid ahaa Taliyaha guud ee nabad sugidda Itoobiya Janaraal Burhanu diin ayaa Maanta gaaray kismaayo iyagoo aan dhaafin garoonka kismaayo halkaasi, oo ay kula kulmeen saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee AMISOM ee Halkaasi ku sugan.

Arimaha laga wada hadlay ayaa waxaa kamid ah in axmed Madoobe iyo Saraakiisha Itoobiya ee Kismaayo ku sugan uu khilaaf ka dhex tafanyahay, sidii laga yeeli lahaa.

Gabre ayaa lasoo warinaya in axmed Madoobe uu kula kulmay garoonka kismaayo runtane uu faraha ka saaray, isagoo u sheegay in ay iyagu yihiin kuwa meesha keenay, hadi uu ku adkeysto madax taagane ay qaadi doonaan talaabo uusan mahdin, waa sida ay Gedo Times kasoo xigatay ilo wareedyo ka agdhawaa goobihii ay shirarkani ka dhaceen.

Isla galabta ayay saraakiishani dib uga soo laabteen kismaayo, iyagoo ku hoyanaya muqdisho oo lagu wado in barri ay ka amba baxaan, waxayna arimahani oo dhan imaanayaan xilli Janaraal Fartaag Madaxweyne Kuxigeenka Jubaland ay Booqasho rasmi ah uga bilaabatay Itoobiya taas oo looga hadli doono isla siyaasadahan cakiran ee Ka taagan Magaalada Kismaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.