Akhriso: RW Farmaajo oo ka Tacsiyadeeyey Geeridii Kutimid dhalinyaradii Soomaaliyeed ee Ku dhintay badda u dhaxeysa Masar iyo Talyaaniga.

far

Xilli tahriibayaal Soomaali ah ay ku dhamaadeen badda u dhaxeysa masar iyo talyaaniga kuwaas oo lagu qiyaasay in ay ka badanyihiin 200 oo soomaali ah, ayaa waxaa Geeridaasi xanuunka badan ka tacsiyeeyey Raisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane maxamed Cabdulaahi farmaajo.

Farmaajo ayaa dhambaalkiisa Tacsida ah sidan Ku bilaabay, “Waxaan rabaa inaan halkan tacsi uga diro oo xanuunka iyo murugada La qeybsado dhamaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen shalay dhalinyaradii tahriibaysay”.

Farmaajo oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri ” Waa geeri xanuun badan runtii in halmar ku dhawaad 200 oo dhalinyaro ah oo mustaqbalkii dalka ahaa ay hal maalin Naga baxaan,Alle waxaan uga baryayaa inuu qabrigooda u waasiciyo janatul Firdowasane ka waraabiyo” ayuu Yiri Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Raisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Hadalka Farmaajo ayaa imaanaya xilli in kabadan 200 oo soomaali ah ay ku geeriyoodeen badda u dhaxeysa Masar iyo talyaaniga kuwaas oo hamigooodu ahaa in mar un ay yurub gaaraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.