Indho Kori oo Xiisad Dagaal Ka Abuuray Degaanka Shaatilow ee Gobolka Gedo.

Warar uu Gedo Times Ka helayo Degaanka Shaatilow oo Hostago Magaalada luuq ayaa Shegayo in Halkasi uu Ka tagan tahay Xiisad Coladed oo uu Ka Abuuray C/rashiid Janan oo Lo Yaqaano “indho Kori”

Xiisada ayaa Timid Ka dib Markii Indho Kori uu Tagay Degaanka oo Ka Qoday Ceel biyood Sido Kalana ugu Laab Qaboojiyay  dadaka inuu u Sameyn Dono Wax Horeya loga Wayay.

ayaa Goobta waxaa Tagay Maamulka Ka Arimeeyo Magaalada Luuq oo Dadka Og Warbixiyay Danaha Gaarka ah ee uu indho Kori Ka le Yahay Dadka deganka Ka dib ugu  Sharaxay Dhibaatoyinkii uu Ka sameyya Dolow iyo degaanada u dhow ee ahaa Xasuuqa dadka Shacabka ah loo Geysanayay,

Hadalada Maamulka Luuq Ayaa Lag Sidayay Tv Ku Hadlo Maamulka Jubland Afkartiisa ee uu Fadhigiisu Yahay Magaalada Kismaayo,

Ka dib Ayuu Indho Kori Waxa uu u Dacwooday Axmed Madoobe oo uu Ku Edeyay in Tv Maamulka Laga Cayay , Hogaamiyaha Maamulka Jubland ayaa Isga oo aan Fiirin Xeerka Shaqo uu loo isticmaalo Shaqaalo Hilmaameyna inuu Yahay Hogaamiye Amar ku Bixiyay in Shaqada lag Ceyriyo Wariyihii Warka soo diray oo Lagu Magaacabo Maxmed Maclin Kuna sugan Magaalad Dolow.

Sido Kale waxa Si Ku Meel Gaar ah Shaqada Loga Joojiyay Shaqsigii Waqtigaas Tv Ka Aqriyay Warka oo uusan Gedo times Helin Magaciisa.

Maamulka degmada Luuq Ayaa ku Han jabay in Mar Danbe uu san imaan Karin degaanka Shaatilow C/rashiid indho kori  Hadii uu imaadana ay Halkasi Wixii Ka dhacaa Masuliyadiisa isag Lagula Xisaabtamayo.

Shaqasiga Maamulo Luuq Ayaa Awood Waxa uu Ka Heystaa Gudoomiyaha Gobalka Gedo Canjeex Buulo Gareed.

Xalaad Shaatilow Waa aya degan Tahay laakin waxa Lag Cabsi qabaa in labada masuul ay colaad ka abuuran.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.