Maqaal : Axmad Madoobe Iyo Cabdi Ileey Maxey iska Shabbahaan?

Waxaa marag ma doonta ah, in soomaali u dhan tahay Gobollada Jubbooyinka, haba lagu xaq lahaado ama lagu lagu kala badnaadee, balse, in muddo ah, waxaa soo ifbaxeysay in shacabweynaha ku dhaqan Gobollada Jubba, aysan raalli ku aheyn habka loo soo xulay baarlamaanka maamulka Jubbooyinka, oo intiisa badan ay qaateen dad ka soo wada jeeda hal beel, oo ah tan uu ka dhashay Axmad Madoobe, inta kalena la duudsiiyay xaqoodii dastuuri iyo deegaan ay ku lahaayeen.

Qofkii caddaaladda ka hadla, ma ka dhiidhinaya, waxaa lagula kacay, dil, jirdil iyo qafaal! Odayaal lagu laayay kismaayo oo nabadoonno ah, oo ka soo horjeestay qorshaha guracan ee AHMED MADOOBE, ABDI AFEEY IYO GABRE.

Siyaasaddan mid la mid ah ayuu Cabdi Maxamuud Comar (Cabdi Ileey) ka hirgeliyay dowlad goboleedka deegaanka soomalida ITOOBIYA (Soomaali Galbeed), isagoo u sameystay Ciidamo LYUU Police la yiraa, oo loogu talogalay markii hore in lagu soo afjaro xooggaga ONLF ee xornimo doonka ah, kuwaasi oo qeyb ka mid ah ay qaateen heshiis, inta kalena dagaal xoog ah lagu dhameeyo, haddase, loo adeegsado, sidiishacabka loogu xasuuqi lahaa.

1-   Labada nin waa isku hayb (Qabiil ahaan), kumana haysanno ineey reerahaasi u dhasheen, waayo, waa abuur Alle qof ma jiro awood u lahaa inuu doorto reerka uu noqonaayo, balse, xikmadda ka dambeysa, maxay tahay, in loo adeegsado dulmi ay diinta dhaqanka iyo qawaaniintu naga reebeen?.

2-   Waxeyn ka mideysan yihiin inay ku shaqeeyan sidii ay beesha ay ka soo jeedaan ugu abuuri lahaayeen colaad ballaaran, iyagoo danahooda gaarka ah ku fushanayo ineey caamada u muujiyaan in arrinku yahay sida ay u dhigayaan (TIME OF OGADEN).

3-   Duudsiinta Xuquuqda shacab weynaha DDS ITOOBIYA iyo sidoo kale DUUDSIINTA Xuquuqda Shacabweynaha ku nool Jubbooyinka, (Sida ka muuqata awood qeybsiga) waxaad ka garan kartaa in labadan sare u xusan ay fidno abuur yihiin, balse, waxaa la yaab leh, in badi laga aamusan yahay falalkooda gurracan dawlad iyo shacabba. Waxaan u jeedaa Soomaali, oo Itoobyaan waaba dan ay leeyihiin, anna kama sugayn.

4-   Dabadhilifnimo iyagoo ku shaqeeya amarka KENYA IYO ETHIOPIA, ayaa labadaasi dowladood, oo dano gaar ah kaleh soomaliya, waxey u arkeen in ay jaanis u tahay in la taageero nimankan, maadaama ay yihiin dad ku soo hoos koray amar Kenyaati iyo Tigree, oo u dhago fudud fulinta amarrada la duldhigayo xaraf xaraf, (Waxaa caddeyn u ah midna TIGREE wayaa wata, midna KENYA ayaa TANGI ku soo GELBISAY!)

Cadaaladda iyo awood Qeybsiga Dalka. Tusaale; Cabdi Ileey

1-   Isweydii Imisa Gobol ayuu Cabdi ileey u sameeyay Reerkiisa (6 gobol  iyo bar –degmooyinkana lama sheegi karo, jilib jilib hoose ayuu degmo u siiyay) sida Cadaaladda uu u arko, Shacab weynaha kale ee DDS  ITOOBIYA imisa ayuu u sameeyay (2 gobol –iyo bar (Liibaan oo Soomaliweyn ah iyo Shinniile oo Ciise ah) iyo Gobolka Jigjiga oo hadda gebi ahaan uu ku wareejiyay Beeshiisa, isagoo dejiyay mashruuc ah dhulka ninkii dhisanaya aya dagaya, iyo Quruxinta Jigjiga, iyo ma istaahisho Degmo. Xasuusta, aragtidan iyo dhaqankan oo kale, waxaa lahaa Siyaad Barre.

Ahmed Madoobe:

2-  Mid la mid ah mashruuca Cabdi Ileey ayuu ka billaabay Jubbooyinka Axmad Madoobe oo sida uu yahay loo soo koobbi gareeyay, qorshaha iyo fulinta Xaraf Xaraf, waxaan wada ogsoonahay in;

A- SALAGLE OO AAN WALIGEEN MAQLIN MEESHA DEGMO LOOGA DHIGAY iney dhahaan waa DEGMO!

B-    Wuxuu soo  uruuriyay rag masuuliin ka wada ahaa DDS ITOOBIYA OO ISKU JUFO hoose yihiin in la keenay waddankii oo xildhibaanno iyo Masuuliyiin loo magacaabay, dadkii u dhashay Deegaanka ay marti ka noqdaan, hal hal ayaan u garaneynaa inaan farta ku fiiqno ma dooneyno, kulligood magacooda gadaal ka wada raaciyeen HEBEL KISMAAYO IYO HEBLO KISMAAYO, Adeer waa la is yaqaannaa!

C-   Sheegashada Deegaanno aysan daganeyn – Adeer waa la is yaqaannaa dhulka sida loo kala daggan yahay (Deegaankana waa ninka xoolaha ku haysta , iyo waraha , Caanaha suuqa keena , Beeraha ku leh dhulka, )

D-   Heshiisyo Shisheye sida in uu awood u leeyahay inuu iibin karo dhulka soomaaliyeed, iyo badda Jubbooyinka iyo Contract-yada Petrolka ee Jubba, iyo Jaziiradda Dekedda Kudhaa, Raaskaambooni!

E-   In uu Ku mashquuliyo maatada rerkiisa Soomaali waa in aan iska dhicinnaa! Wallaahi Wa Rabbul Kacba waxaad arkeysaan adinkoo waayay meel ay xoolaha idiin daaqaan!

Lyuu Police Cabdi Ileey

1-  Cabdi Ileey waxa uu ummadda ku xasuuqay LYUU POLICE( Waa ciyaal darbi jiif ahaa, oo aan qoys iyo reer midna lahayn, ku dayacnaa waddooyinka GANGS, inta la uruuriyay gangsnimadii loo sharciyeeyay. Ma jiro qodob dastuuri ah oo ku qoran dastuur-ka Itoobiya oo lagu aas aasay Ciidankaan, kaliya waa Maafiyo loogu talogalay in dadka lagu xasuuqo – adinkaana caddeynteeda haya wixii ay geeysteen.

Raaskaambooni (New Lyuu Police)

2-   Waxaa hoggaamiya Maafiya Lyuu police oo khibrad u leh ineey dadka xasuuqaan, Iyagoo hadda ka qafaashay gudaha Kismaayo in ka badan 1000 dhallinyaro oo darbi jiif ah Ahmad Madoobo oo arrinkaan ka soo koobbiyeeyay Cabdi Ileey ayaa bilaabay hirgelinta Qorshaha iyo fulintiisaba.

Ugu Dambeyn , Fadlan waan isku fahannay sheekada, ee loo joojin maayo xaqiiqdu waxa ay tahay

1-   In laga gudbay Caqliyaddii QADDIYADDA Qabiilka ee aad ka dhiganeysaan ARRINTA KALIYA dadkiinna aad ku dagaal gelineysaan, ADINKUNA KU FAA’IIDI MEYSAAN , QOFNA MA JIRO OO WAX LOOGA QAADAYO, Berri Dambe adinka is Cuni doona

2-    Shisheeye Kenya iyo Ethiopia Waxay kaa dhiganayaan iney kakano ku geliyaan, ugu badnaan toban sano kugu shaqeystaan, ka bacdina dadka markey kacaan lagu yiraahdo xal ma heyside iska bax.

3-   Anigana ku baryi maayo, ninkii Dhoof ku yimid beey geeridu dhibeysaa, waa maalmo yar oo kaliya waxaad arki doontaa sida Reerkaagu yiraahdo (EEDDEEY DABADDAA I GELI) inay ka dhacdo.

4-    Waxaan oggolnahay wax kasta oo ku dhisan Xalaal, walaaltinimo, wax wada qeybsi, Cadalad, Horumar, Tanaasul 15%, si soomaalinimo loo hirgeliyo.

5-Inta Caqliga iyo Xikmadda u saaxiibka ah ee REERKAAGU ha Ogaadaan inan ka dignay maanta 09/06/2015 waxa dhici doono, laga bilaabo maantana la iska kiin dhicin doono ILEEY IYO MADOOBE!

Xafiiska Muqdisho,

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.