Faallo : BAAQ ku, socdo Cuqaasha iyo Waxgaradka Degmada Baledxaawo, W/Q Maxamed Xuseen Dhageey.

Anigoo ku, hadlaya magaca jaaliyada South Sudan Ee gobolka gedo. waxaan idinku baaqaynaa inaad joojisaan xasarada iyo dhibaatada. dadka beled xaawo waa ka, daalay dhibaato iyo bara kac laga soo bilaabo 1997 ilaa waqtigaan caqligu ha, shaqeeyo 19 sano ka hor yaan taagnaan.

wax ku, qaata waayaha. qoysna qoys inta maquuniyo magaalada kama saari karo u tura waayeelka, ilmahiina u, baahan deganaansho joogta ah, higsanaayo nolol cusub. iyo horumar.

Baaqaan kama lihi ujeedo gaar ah oo i quseysa balse waxaan u diirnaxayaa Birimageydada Ree Baledxaawo ee dhibka lagu haayo ayaa i xanuujinaya, markale waxaan codsanayaa in caqligu shaqeeyo loona turo maatida iyo makasta la isku dul dagaalaayo.

waxaa jira canaasiir aan dadkooda horu mar u ogoleyn inta dadka noocaas ah bulshada dhexdeeda Gabaadka ka dhiganayaane ha sugina inaad nolol iyo barwaqo ku naalootaan.

Gabagabqadii waxaan baaqeyga kusoo xirayaa iska, qabta mooryaanta waa kuwa duleeyay gobolka gedo. ( THE PEOPLE ARE MOVING FORWARD AND YOU GUYS ARE GOING BACK ) dadku horay ayay u, socdaan adinku gadaal ayaad u,socotaan, ee inteey goori goortahay ree Gedow iska qabta kuwa la idiin isticmaalaayo ee diidan harkiina iyo harsigiinaba.

Wabilaahi Al-Towfiiq

W/Q : Maxamed Xuseen Dhageey

Jubba, South Sudan

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.