XOG HOOSE: Wasiirro dhowr ah oo Xil ka qaadis lagu sameynayo iyo kuwo kale oo….Akhriso

Waxa la filayaa in Maalmaha soo aadan isku shaandheyn fudud lagu sameeyo Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, kuwaas oo madaxda dalka ay u arkaan in aysan dalka ka gudbin karin Hiigsiga 2016-ka

Wasiirada ilaa iyo hadda ay Gedo Times xogta ku heshay in isku shaandheyn lagu sameyn doono waxaa kamid ah Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Cabdisalaam Hadliye, Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Caafimaadka Xaawo Xasan iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Axmed jaamac Jaangali.

Sidoo kale waxaa Jira hubanti la’aan ku xeeran ilaa dhowr wasiir oo iyagane lagu wado in isku shaandheyntani ay saameyso, kuwaas oo ay kamid yihiin Wasiirka Gaanshaandhigga Janaraal Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, Wasiirka Amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Wasiirka Owqaafta iyo Arimaha Diinta Maxamed Sheekh Cali Baqdaadi.

Sababaha isbadalkani ayey xeeldheerayaasha siyaasaddu sheegayaan in Damujadiid ay dhamaan Wasiiradaasi, ka waayeen istraatiijiaydo ay doonayeen in ay 2016-ka markale talada dalka ku hantaan.

Xalay ayey aheyd markii xilkaqaadis lagu sameeyey Wasiirka Bosotada iyo Isgaarisiinta Guuleed Xuseen Qaasim, iyadoo wasaaradaasine loo Magacaabay Masuul lagu magacaabo geele Jaamac.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.