Dhageyso: Saraakisha Laamaha Amanaka Maamulka Putland oo Kulam Ka Yeshay Weraro Al- shabab Ay Ka Fulin karaan Magaloyinka Ka tirsan Maamulkasi.

Magalada Garowe ee Xarunta Puntland Waxaa Maanta lagu qabtay shir Muhiim ah oo ku saabsan sugida Amniga guud ahaan Magaalooyinka Puntland.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay,Xubnaha Saraakiisha Ciimada Booliska-Taliska qeybta Booliska Gobalka Nugaal,Laamaha Amniga ,Sirdoonka,Nabad Sugida iyo xubnaha Laamaha Ciidamada.

Ujeedka shirkan waxaa lagu sheegay inuu ahaa mid loga hadlayay sidii loo xaqiijin lahaa amniga Puntland madaama la sheegay in la helay xogo ku saabsan in falal amaanka lid ku ah ay damac san yihiin in Al-shabaab ay ka geystaan magaalooyinka Puntland.

Xubnaha shirkan ka qeybgalayay ayaa soo qaaday talaabooyin ay ku tilmaamayeen qaabka looga hortagi karo falalka Al-shabaab iyo in la sii adkeeyo AMniga magaalooyinka Puntland.

Sidoo kale mudadii uu kulan soconayay waxay xubnaha ka qeybgalaya ay iska so dhex saareen ilaa sadax gudi ay ku tilmaameen in ay soo kala saari doonaan Maxaabiista ku jirta Xabsiyada Puntland iyadoo loo kale saari doono-kuwa Al-shabaab ah-kuwa shabaabnimo ku eedeysan iyo kuwa falalka Tahriibka lagu soo qabtay.

Taliayah Ciimada Boliska Putland C/risaaq Maxmuud yusuf ayaa Ka War bixiyay Kulankooda Ay Kag Hadalyeen Adkeynta Amaaanka

Guud ahaan xubnaha Sarakiisha CIidamada Dowlada ee shirkan ka qeybgalay waxay ugu baaqeen qeybaha bulshada ku dhaqan Magaalooyinka Puntland in ay ciidamada la shaqeeyaan si looga guleystao werarada Al-shabaab

Halakan Ka Dhageyso 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.