Dhageyso: Warbixin Dhibaato Waxbarasho la’aaneed oo ka Taagan Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

celwaq

ku dhowaad ilaa 100 ardey oo degan degmada Ceelwaaq ee G/Gedo ayaa sanadahii u dambeeyey waxay waxbarasho u aadayeen dugsiyo waxbarasho oo ku yaala magaalada Xuduuda ku taala ee Ceelwaaq Kenya oo Ceelwaaq soomaaliya u jirta ilaa 10 km,

ardeydan ayaa intooda badan waxay lug ku taagan iskuulada,waxayna dhibaatooyin ay kala kulmaan xuduuda labada magaalo sida ,isku dhac xaga ciidamada oo keena in xaduuda la xiro,sharciyo la weydiiyo ama la xiro ardeyda iyo ardeyda oo aanan awoodin lacaga lagu raaco gaadiidka u kala goosha labada magaalo,taasoo keenta in ardeyda ay ka baaqdaan daruustii ay qaadan lahaayeen.

Axmed sh Xasan waa Maamulaha Dugsiga H/Dhexe ee Alfurqaan waxaana uu ii sheegay howlgelinta Dugsiyadan in ay ku timid baahida waxbarasho ee ka taagan degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo,isagoo sheegayna dugsiga uu maamulaha ka yahay in ay wax ka bartaan ilaa 250 ardey,waana iskuul ardeydu ay wax ku bartaan si lacag la,aan ah sida uu yiri.

Dhinaca kalane Sahal Macalin Aden oo ah G/ku xigeenka Maamulka degmada Ceelwaaq ayaa inoo sheegay in ardeyda ka tagta Ceelwaaq soomaaliya ee waxbarashada u aada magaalada Deriska ah ee Ceelwaaq kenya in ay xuduuda u dhaxeysa labada magaalo ay dhib xoogan kala kulmaan,waxuuna sheegay dhibaatooyinkaasi in looga bixi karo dadka deegaanka oo isku xilqaama sidii dugsiyo waxbarasho looga furi lahaa deegaanka.

Si kastaba Dhibaatada waxbarasha la’aaneed ee Kajirta Celwaaq kuma koobna Degamdaasi o Qudha Balse,Guud ahaan Gobolka ayey kajirtaa baahiyaha Dhinaca Waxbarashada, sida ay Maandeeq FM u xaqiiyeen Dadka Deegaanadaasi ku dhaqan.

Warbixinta waxaa Diyaariyay Shaafici Cabdinuur.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.