Dhageyso : Nabadoon Idiris Gaaroodi oo Gedo Times uga Waramay Xalinta Shaqaaqadii Dhawaan Degmada Baledxaawo ka dhacday.

Degmada Baledxaawo ee Gobolka Gedo oo dhawaan ay ka dhacday Shaqaaqo u dhaxeysay Ciidamo kawada tirsan Maamulka Degmadaasi, ayaa waxaa xalinta arintaasi u istaagay Guddi isugu jira Duubab dhaqameedyo iyo Ganacsato.

Nabadoon Idiris Gaaroodi waxaa uu kamid yahay Guurtida Degmada Baledxaawo iyo indheergaradka arintan Xalkeeda loo Xilsaaray, wuxuu Gedo Times u sheegay in durba ay shaqa bilaabeen kuna hawlanyihiin xalinta shaqaaqadii ka dhacday degmada Baledxaawo.

Nabadoonka ayaa u waramay Wariyaha Gedo Times ee Gobolka Gedo Shariif Axmed Taajir oo uu uga waramay, bal halka ay waxmarinayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.