Dhageyso: Shacabka ree Dhabad oo wali ka cabanaya duulaano bareer ah oo kaga imaanaya Maamulka Galmudug.

Magaalada Dhabad ee Gobolka Galgaduud waxaa ka taagan xiisad colaadeed oo uu hurinaayo maamulka Galmudug ee Cadaado ka arimiya.

Ciidamo ka tirsan beesha Madaxweyne Cabdikarim guuleed oo sita hub farabadan ayaa dulaan lasoo warinayaa in ay ku yihiiin deegaanka dhabad, oo ah magaalo istaraatiiji ah.

MID Kamid ah dadka ree Dhabad oo magciisa ku sheegay Maxamed Axmed lana soo xiriiray warqabadka Gedo Times, ayaa faafaahin ka bixiyay duulaan uu sheegay in looga soo qaaday xarunta galmudug ee Cadaado.

Masuulkani ayaa hoosta ka xariiqay in qaab qabiil loogu soo duulay dadk ree Dhabadne ay yihiin dadkii horay looga soo barakciciyay deegaanka galinsoor oo uu shegay in uu yahay deegaan ay xoog ku haysato beesha Madaxweyne Guuleed.

Wuxuu ka jawaabay eedo beer laxowsi ah oo uu ka maqlay idaacadaha kaas oo uu jeedinayay axmed Diiriye oo ah afhayaeenka beesha madaxweyne guuleed, wuxuuna sheegay eedeymaha uu jeediyey oday diiriye in ay yihin kuwo lagu baneysanaayo dhiiga shacabka ree Dhabad iyo guud ahaan waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Shaafici Cabdinuur oo Gedo Times ka tirsan ayuu u waramay wuxuuna ugu horeyn bal weydiiyey Sababta uu Gedo Times ula soo Xiriiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.