DEGDEG: Hoobiyeyaal iyo Madaafiic caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay 10 kalena way ku dhaawacmeen kadib labo hoobiye oo caawa ku dhacday degmada Xamar Jajab ee gobalka Banaadir.
Labada Hoobiye ayaa ku dhacday agagaarka Ex Iskuulkii Raage Ugaas haddana loo bixiyay Hoyga Xamar.
Inta la og yahay 2 ruux ayaa dhimatay oo mid kamid ah uu ahaa nin madaxa looga jiray waxaana ku dhaawacmay 10 qof.
Dadka waxyeellada ay u geysteen hoobiyeyaashani waxaa kamid ah hooyo xambaarsanayd cunugeeda oo laamiga ka soo adeeganaysay.
Ciidamada dowladda ayaa rasaas ridaya iminka waxaana laga maqlayaa agagaarka ay ku dhaceen hoobiyeyaashani.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.