Dhageyso:Faah-Faahin:’ Xildhibaan ka Tirsan Barlaamanka oo Muqdisho Lagu Dhawacay.

Gaari uu saarnaa Xildhiban Maxamed Cali Daheeye ayaa abaro afartii iyo qadar sodon Daqiiqo ah ee Maanta waxaa lagu risaaseeyay agagrka Suuqa Bacadlaha ee Dagmadda X/weyne,waxana werarkaas ka dhashay Qasaaro isugu jira Dhimasho iyo Dhawaac.

Xildhibaanka ayaa Gaariga uu saarnaa waxaa ku geeriyooday Darawalkii Gaariga iyo mid kamid ah ilaaladiisa waxana dhawac uu soo gaaray Xildhibaan Daheeye iyo mid kaloo ilaaladisa.

Gariga lagu waday Xildhibanka waxa uu ahaa Gawarida loo yaqaano Caribta waxana durbadiiba lagu qaaday dhawaca soo garay xildhibaanka oo la shegay in uu yahay mid fudud.

Mar aan tagay meesha ay wax ka dhaceen ayaa waxa ay ii sheegeen dad goob jogayaal ah in ay arkayeen Xildhibanaka oo ka bodaya gaariga isaga oo dhawac fudud uu ka soo gaaray garabka.

Dadkan oo ka gaabsaday in codkooda aan adeegsado ayaa sidoo kale ii sheegay in werarka lagu fuliyay Gaari kale uu durbadiiba goobta isaga cararay.

Meesha uu dilka ka dhacay intaan ku sugnaa haba yaratee iima muuqaneenin cabsi ay qabaan shacabkii ka ag dhawaaa suuqa oo waxa ay ku mashquulsanayeen  Raadinta Nolal Maalmeedkooda kama marneen isticmaalka Gawarida PL-ka ah oo aad ugu badan goobtaas.

Saacad ka dib marka falkaasi uu dhacay waxaa goobta yimid  Afahayenka Maamulka Gobalka Banaadir C/fataax Cumar Xalane,Mar la waydiiyay Dilalka ku soo kordhay maalmahan Magalada Muqdisho ayaa waxa uu  shegay in wali si rasmi ah Maamulka Gobalka Banadir aan loogu warejin sugida amaanka Muqdisho xili horay loo sheegay in lagu warejiyay waxana uu intaa ku daray marka ay la waregaan amniga Magalada in wax qabadkoda la arki doono.

Xildhibaan Maxamed Cali Daheeye Goobta lagu weraray waxaa 3 bishaan lagu dilay Marxuum Mahad Faarax Muxidiin oo ka mid ahaa sarakisha Nabad Sugida Soomaaliya.

 Xildhibaan Maxamed Cali Daheeye Waxaa loo dhaariyay Xubinimada Baarlamanka Soomaaliya 27-kii Apriil sanadkii tagay ee 2015 waxana uu badalay booskii Alaha u naxariistee Xildhibaan C/llaahi Qayaad Barre oo kooxo Hubeesan ay ku dileen Bishii 2aad ee sanadkii 2015 Dagmada Xmar jajab.

Halkaan Ka dhageyso

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.