Puntland iyo Dadka Koofurta: Umalkii Dawaco loo qabay Weer Daba xumoow lagu fur!

Ciwaanka Qormadan oo ah Umalkii Dawaco loo qabay Weer Daba xumoow lagu fur!,waxaa uu ahaa Sheeko Carruureed, Ubadka lagu madadaaliyo ka horta inta aysan seexan ama Cashada Cunin.

Waxaana ay ahayd: Libaax baa Bari Neef Ari ah dishay,markuu Dhiigga ka dhuuqay ayuu ka yara durkay isaga oo ay wali wax uga dhiman yihiin Neefka u dilan.

Intii uu maqnaa ayaa waxaa timid Dawaco ama Dacawo,waxaana ay ka miiratay oo ka dhuuqday intii ku hartay ee dhiig ahayd.

Iyada oo Jiqeysa ayaa waxaa ugu yimid Libaaxii,gacanta ayuuna ku dhigay Dwacadii,waxaana uu la tiigsday Geed Kurtun ah,Qalalan oo aan Calayn lahayn,halkaas ayuu ku xir xiray.

Waxaana uu doontay Ulo uu ku garaaco,intii uu ku maqnaa  Keynta  ee uu ulo gurka jiray ayaa waxaa Dawacadii oo xir xiran u yimid Weer Bahalka la yiraahdo, waa nooc dilaa ah Arigana aad u laaya.

Sheeko ayaa dhexmartay Labadoodii Dawacadii iyo Weerkii.

Weerkii: Walaashey Dawacooy maxaa halkan ku dhigay oo aad ugu xiran tahay?

Dawacadii: Walaalkeey Weeroow Qumbo (Dhalo ama shey kale oo Subagga lagu shubto) Subag ah ayaa Jub la igu siinayaa ( la igu ridayaa).

Weerkii :Walaaleey waan ku baryayaa ee Aniga igu beddel.

Dawacadii: maya maya maya, Anigaa Rabo.

Weerkii Walaaley adiga markale ayaad heleysaaye Anigu igu beddel Qumbada Subagga ah.

Dawaco Caqli badan, haye kaalay gal hee.

Weerkii ayey ku xir xirtay halkii misina uga tagtay.

Waxaa yimid Libaaxii oo Ulo badan soo gurtay si uu garaacis ugu dilo Dawacadii,markaas buu arkay Weer ku xiran halkii uu Dawacada ku ogaa.

Iskama waaline durba wuu gartay in dhagartii Dawacada halkan keentay Weerka,waxaana uu ku billaabay Garaacistii isaga oo leh: “Umalkii Dawaco loo qabay Weer Daba xumoow lagu fur”.

Ilaa uu ka dhinto ayuu garaacayay isaga oo ku cel celinayay Umalkii Dawaco loo qabay Weer daba xamoow lagu fur, oo micnaheedu tahay Xanaaq ama Ciilkii Dawaco loo qabay Weer daba xumoow lagu fur,lagu ciil bax.

Bartamihii Bishii March ee Sanadkan 2016 ayaa waxaa uu dagaal dhex maray Al-shabaab iyo Puntland,waxaana  Labo Todobaad kadib Puntland sheegtay in ay ka adkaatay Al-shabaab oo ay jebisay.

Ka dib Puntland waxaa ay soo saartay amarro ay ka midyihiin in dadka koofurta ka soo jeeda ay goostaan Warqado 3dii bilba mar la cusdbooneysiiyo,iyada oo u tiirineysa in Dadka amni darrada lka wada Puntland ay yihiin Reer Koofur.

Kulanka oo 2-dii April ka dhacay Magaalada Boosaaso waxaa ka qeyb galay Taliyaha Booliska Puntland C/Risaaq Afguduud.

Awaamiirta dhanka amniga ah ayaa kasoo baxay taliska Qaybta Booliska ee Gobolka Bari waxaana arrinkaas kala shaqeeyay taliska guud ee Booliska Puntland, iyadoona Boosaaso hawlo shaqo uu ka wado taliyaha Ciidanka Booliska dawladda Puntland Gen Cabdirisaaq Afgaduud.

Awaamiirta amni ee soo baxday ayaa kala ah:-

1:- In dadka Barakacayaashaa & kuwa ganacsiga haysta ee ka yimid koonfurta Soomaaliya ay qaadanayaan kaar 3 bilood ba mar la cusboonaysiinayo.

2:- dadka Puntland ee Boosaaso degan ayaa lagu amray inay qaataan kaarka aqoonsiga muwaadinimo ee Puntland.

Qodobadaas iyo kuwo u gaar ah Dekadda Boosaaso iyo sugidda amaankeeda oo dabcan Puntland u gaar ahayd.

Qodobadaas kor ku xusan waxaan ku xusuustay Gabay uu tiriyay Abwaab Sugaal Cabdulle magaciisu ahaa Waxaad maanta bi’isaan barri ha u shalaayina.

Waxaana Erayadisii ka mid ahaa:

*Soomaali badaneey,Bulshadii wacneydeey

* Intaan ba’ iyo hoog iyo boqon gooyo weyn dhicin

*Waddankeenna Baadka leh dhowr baarto (Qeyb) laga dhigin

*waa bilic xorriyaduye intaan magacu baabi’in

*Intaan Balo gudeysoo biriqdiyo Gantaalaha soo butaacineysoo Buuraha ka xoog badan

*Baar shuud ku soo deign

*Gumeysiga ballaaranoo boqolaha ku soo jira

*Bulshadoo midoowdiyo haddaan baaxad loo helin

*Ruuxna kama baxsanayee Idinkoo bilgeeyd iyo Barafasoorro miiran ah inteydaan Bisada noqon

*Intaan baduhu kala go’in barriguna lakal jarin,soohdin soohdin nala badin

*-Umad aan bisleyn iyo Goboleysi baahaa Qarannimo bur buriyee

*intaan Beelba meel xiran,bahdo kala ajnabi noqon midnimadu ku beyd go’in

*Boosaaso iyo Bari Baasaboorro lagu gelin

* intaan Bar bara iyo Baki iyo Sanaag iyo Burco iyo Hargeysaba bartii shalay ku noqonoo bar barada ku wada dayan Nacabkuna bishaareyn.

Gabayga oo dheer,waxaan ku ekeynayaa qeybtaas quseysay waxa ka soo baxay Puntland ee Boosaaso ay ku dhowdahay in Soomaali kale Baasaboor ku tagto.

Gabayguna waxaa  uu ku soo xirmayay Waxaad maanta bi’isaan Barri ha u shallaayina.

Bal adiguba fakar oo eeg waxa socda iyo wixii ay ka digeen Abwaannada uu ka mid yahay Sugaal Cabdulle.

Haddaba: Waddankii la goo gooy oo Beelba meel xiratay, Puntland,Somaliland,Khaatumo,Galmudug,Hiiraan iyo Shabeelle,Banaadir State,K.Galbeed Jubbaland iyo walax land kale oo wadada ku soo jira waxaa ay keeni doonaan howsha curadka ka ah Puntland.

Somaliland waaba ay caddeysatay oo waxaa ay tiri Soomaali weyn ma rabo,waana go’ay,hayeh, Dabeeshu wey soo socotaa malaha oo Puntland ayaa iyana xigta.

Soo jeedin.

Amaanku waxaa uu udub dhexaad u yahay nolosha Bani’adamka,waxaana lagama maarmaan ah in ay iska kaashadaan dadka wada nool iyo Hay’adaha amaanka,waxaanan suuragal ahayn Dudun in la dugaashado lana dareensado.

Marka Reer koofur la yiraahdo warqad ku imow Boosaaso haddii kale amaankaad caqabad ku tahay,waxaa ay dhali kartaa in kii Koofurtuna yiraa Baydhabo ku imow warqad amaan kaad Qatar ku tahay.

Si aanay u dhicin Puntaldn dib ha isugu laabato,Qabyaalad iyo Qaran isku meel ma galaan,Dadka Soomaaliyeed yaan la isku dhibaateyn.

Dad dhib wada ayaa jooga meel kasta,waxaana ka badan inta wanaagga jecel ee isla meesha joogta.

Sidaa darteed, Puntland Amaankeedu ha sugato laakiin yaanay sheekadu noqonin “Umalkii Dawaco loo qabay Weer daba xumoow lagu fur!!”

W/Qoray :Adam Ibrahim Farah “Showqi”

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.