Dhageyso:Madaxweynaha oo soo dhoweeyay heshiiskii ay gaareen DFS iyo Puntland

muud, ayaa soo dhoweeyay heshiiskii ay magaalada Garowe ku kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Puntland ee ku aaddan qaabka doorashada ee sannadka 2016-ka.

“Waxaan si diiran u soo dhoweynaya tallaabadaan horumarka ah oo dhabbada u xaareysa in Soomaaliya ay sannadkan ka qabsoomaan doorashooyin loo wada dhan yahay. Heshiiskaan waxaa uu sidoo kale ka tarjumayaa biseylka siyaasadeed ee Soomaalida ee ay ku xalisanayaan arrimahooda’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed inay si wadajir ah u taageeraan hannaanka siyaasadeed ee dalka oo uu sheegay inuu fure u yahay horumarka, nabadda iyo dib u dhiska dalka.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, dal iyo dibadba, iyo beesha caalamka iney u gargaaraan dadka ay saameysay abaarta ka jira Soomaaliya.

———–DHAMMAAD———–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Halkaan Ka Dhageyso

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.