TOP News: Mareykanka oo Sheegay Magaca Sarkaal Shabaab ah oo ay duqeyn cirka ah ku dileen.

 

Saraakiisha Soomaalia iyo kuwa Maraykanka ayaa idaacadda VOA u sheegay in hawlgal lagu bartilmaameedsanayo Al-Shabab uu dhacay.

Aqalka Gaashaandhigga ee Maraykanka ayaa sheegay in la dilay Xasan Cali Dhoorre kadib iskaashi lala sameeyey ciidamada dawladda aSoomaaliya.

Goor horena Jeneraal ka tirsan dawladda Soomaaaliya ayaa sheegay in hawlgal ay fuliyeen ciidamada kumaandowska lagu dilay Xasan Cali Dhoore oo ka tirsanaa amniyaatka Shabab.

Xasan Cali Dhoore ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa amniyaatka ururka Al-Shabab. Laba nin oo kale ayaa la sheegay inay la dhinteen.

Abaan-duulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Cali Baashi ayaa warbaahinta dawladda u sheegay in hawl-gal ay xalay ciidamada dowladda ka fuliyeen gobolka Sh/hoose gaar ahaan tuulada Tooratoorow lagu dilay afar sarkaal oo ka tirsan Al-Shabab oo uu ka mid yahay Xasan Cali Dhoore oo abaanduuluhu sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca amniyaatka.

Maraykanka oo Xaqiijiyey Dilka Xasan Cali Dhoorre

Maraykanka oo Xaqiijiyey Dilka Xasan Cali Dhoorre

Balse Maraykanka ayaa sheegay inuu dhacay hawlgalka Al-Shabab ka dhan ka ah Isla markaana la qiimaynayo khasaarahana buuxa ee hawlgalka.Xasan Cali Dhoore, waxaa horay madaxdiisa lacag u dul dhigtay dawladda Soomaaliya, wuxuuna madax ka ahaa sirdoonka Shabaab ee fuliya dilalka qorshaysan ee gobolka  Banaadir.

Maraykanku waxay sheegeen in Dhoorre uu kormeere ka ahaa weerar lagu dilay igu yaraan saddex qof oo ah muwaadiniinta Maraykanka.

Maraykanku waxa uu sheegay in Dhoore uu lug toos ah ku lahaa weerarkii 25-kii Diisambar lagu qaaday garoonka diyaaradaha Muqdishu oo ay ku dhinteen Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo muwaadin Maraykan ah. Waxa kale oo Pentagon-ku sheegay inuu ka dambeeyey weerarkii 25-kii Maarso lagu qaaday huteelka Maka Al-Mukarrama oo dadka ku dhintay uu ku jiray muwaadin Maraykan ah.

Af-hayeenka Pentagon-ka ayaa sheegay uu qorshaynayey weeraro kale oo ka dhan ah muwaadiniinta Maraykanka magaalada Muqdishu.

Saraakiisha ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in hawlgal kale oo ka dhacay agagaarka Jannaale lagu dilay in ka badan 10 ka tirsan ururka Al-Shabab.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay idaacadda VOA ayaa sheegay in duqayn dhinaca cirka ah ay dhacday 24-kii saac ee lasoo dhaafay gobollada jubbada Hoose iyo Shabeellada Hoose, taasi oo lala beegsaday saraakiil ka tirsan Al-Shabab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.