Dhageyso:Ciidamada Dowladda iyo maleeshiyad Hiiraan ku Dagaalamay

dagaal

Ciidamo ka amar qaatay Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Maanta Weerar ku qaaday Maleeshiyad Degan degaanka Ganbar-laawe ee Duleedka Magaalada Baledweyne,waxaana halkaa ka dhacay Dagaal u dhexeeya Labada Dhinac.

Dagaalka ayaa yimid ka dib Markii Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan ay Weerar ku qaadeen Maleeshiyaad Hubeysan oo halkaa kusugnaa.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Daba-geed ayaa horay u sheegay in Maleeshiyaadka Hubeysan ee ku nool Gobolka ay Hubka soo Wareejiyaan si Nabada Gobolka kor loogu qaado.

Dagaalka Maanta ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa Saddex ruux oo isugu jira Dhinacyadii Dagaalamay.

Mararka Qaar Ayaa Wax Dhaco Iska Hor Imaadyo Nocas oo ay Labad Dhinc Ku Subiyaan Goobaha Ay Bulshad Rayidka Ah ku Badan Tahay.

Taas oo Keentay in Inta Badan Qasaaro uu Ka soo Gaaaro Dadka Shacbka ee goobta Ku Sugnaaaa,

Halkaan Ka Dhageyso 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.